RW Rooble oo Dhuusamareeb ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Dhuusamareeb Ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo Hogaamiyayaasha DG Galmudug, Hoggaanka dhaqanka & Ururada Bulshada rayidka.

Waxa uu u bandhigayaa qorshaha doorashada 20/21 iyo qodobo kale, halka dhankooda uu ka dhageysanayo aragtida sida ay la tahay in lagu wajahi karo sidaas waxaa Axadle u xaqiijiyay ilo xog ogaal ah.

Inkasta oo uusan culeys siyaasadeed kala kulmi Karin DG Galmudug sabab la xiriirta in horay uu maamulkaas u gudbiyay Guddiga ku metalaya Doorashada 20/21, xiriirka DFS kala dhaxeeya oo wanaagsan & howsha geedi socodka (Kala guurka) oo dhankooda ka socoto.

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa niyad jab kala kulmay safar 4-Cishe qaatay oo damaciisu ahaa in DG Puntland oo la kari waayay soo gudbinta Guddiga ku metalaya Doorashada 20/21 oo soo gudbintiisa ay ku xirtay shuruudo.

Madax dhaqameedyada waxa uu kala hadlayaa doorka ay ka qaadan karaan howlaha Geedi-socodka Doorashada, maadaama culeys dhankaas uu ka saaran yahay, waqti xileedka Dowladdana uu sii dhammaanayo.

Raysul Wasaare Rooble ayaa dib ugu laaban doono Magaalada Muqdisho marka uu dhammeysto muddada kooban ee uu joogayo DG Galmudug si uu safarro kale ugu qorsheeyo Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle & Jubbaland oo u harsan in uu caga dhigo.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More