Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Isaa’iil oo isagoo meyd ah…

Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Isaa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta Israa’iil.

- Advertisement -

Mr Du, oo 58 sano jir ah ayaa waxaa meydkiisa laga helay sariirtiisa ilaa haatana lama oga sababta ka dambeysa dhimashadiisa.

Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii Febraayo ee sannadkan, waxa uu horay Shiinaha ugu fadhin jiray Ukraine. Safiirka waxa uu ahaa xaasle, waxa uuna dhalay wiil keliya balse qoyskiisa.

Dowladdaha Isra’il iyo Shiinaha wax faahfaahin dheeraad ah kama soo bixin oo la xariirta dhimashada Safiirkaan.

lasoco Xogdheeraad ah.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More