Sawirro: Muqdisho iyo magaalooyinka dalka oo maanta si weyn …

Muqdisho (Axadle) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday Caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciida-Carafo, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha.

Masjidka Isbaaheysiga Islaamka ee Caasimadda Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, ayada oo aysan ciidan kala soo qeyb-galin Madaxda sarre ee dalka oo hore bulshada ugala qeyb-gali jiray dukashada salaadda ciida.

Sidoo kale waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee Caasimadda Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta.

Dhinaca kale, waxaa saaka shacabka magaalada Hargeysa kala qeyb-galay dukashada salaada Ciida madaxweynaha Gobaladda Waqooyi oo kumanaan shacab ah kula dukaday masjid jaamaca weyn ee axadle Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka axadle, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, wuxuuna madaxweynaha u jeediyay khudbad uu bulshada ku hogo-tusaaleeyey dhibaatada ay noocyada kala duwan ee mukhaadaraadku ku hayaan shacabka.

Munaasibadda Ciidal Carafo ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadku.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More