Sawirro: Muxuu Farmaajo kala hadlayey ganacsato uu xalay kula kulmay Villa Somalia? – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C / llahi Farmaajo ayaa xalay afur iyo casho sharaf kula qaatay qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed qasriga Madaxtooyada.

Farmaajo ayaa ku amaanay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo abuurka dhalinyarada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay ku guuleysatay yareynta musuqmaasuqa shacabka iyo awooda shaqeynta, taasi oo xoojisay kalsoonida shirkadaha Soomaaliyeed ay ku qabaan nidaamka maaliyadeed ee dalka isla markaana horseeday mushaar waara oo la siiyo shaqaalaha iyo ciidamada.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay si weyn u taageeraan dowladda siinta adeegyada aasaasiga ah, dhowrista xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, barnaamijka iskaa wax u qabso ee dib u dhiska xarumaha danta guud iyo kaabayaasha dhaqaalaha waxayna safka hore kaga jiraan badbaadinta dalkeenna xilliyada adag. Dareenkaaga wadaninimo iyo doorkaaga bani’aadanimo waa mid ay ogyihiin dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayuu yiri Farmaajo.

Dhinacyadooda, ganacsatadu waxay sharraxeen saameynta uu aafada COVID-19 ugu leeyahay ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dhaq-dhaqaaqa dalka, ahmiyadaha ay siinayaan nabada oo saldhig u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay inay horay u sii wadaan qorshayaasha. Midho dhal u ah dib u dhiska dalka iyo sugida dal iyo dowlad soo jiidata maalgashadayaasha.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda C / raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Madaxweyne ku xigeenka guud Agaasime Guud Cabdinuur Maxamed Axmed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More