Sawirro: Sidee 26-ka June xalay looga xusay Muqdisho? – Caas…

Muqdisho (Axadle) – Munaasabadda Xuska 26-ka Juun ee Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi, ayaa xalay lagu qabtay xarunta Villa Somalia, ayada oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne Farmaajo.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa khudbado xambaarsan sooyaalkii halgankii Xorriyadda Soomaaliya ka jeediyey masuuliyiin, waxgarad, Abwaanno iyo Hoobollada Qaranka Waaberi oo suugaan ku cabbirayey qiimaha gobannimada, waddaniyadda iyo wadajirka.

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka Dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku ammaanay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed.

“Halgankii gumaysi diidka iyo Soomaali isu doonku waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen Gobollada Waqooyi. Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay horseed u ahaayeen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta iyo doorkii SNL ay ku lahayd xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xejistaan gobannimadooda, wadajirkooda iyo sooyaalkooda, isaga oo walaalaha Gobollada Waqooyi ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Gobannimadu waa xujo hortaalla cidda hesha, oo uga baahan xejisasho iyo ka miro-dhalin. Waa inaan dhowrannaa, waa inaan wadajir iyo midnimo ku wada waardiyeysannaa. Awooweyaasheen waxa ay u dhinteen inaan xornimo helno, innana waa in aan u guntanno ilaalinteeda, innaga oo jiilasha danbe u diyaarinayna mustaqbal iyo nolol wanaagsan,” ayuu yiri Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More