Shaatax: Bulshada Rayidku waxa ay taageereysaa heshiis ku…

Cismaan Muxyadiin Shaatax guddoomiyaha SONSA oo kaqaybgalay kulan u dhexeeyey MW Farmajo iyo bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo kadhacay Dhuusamareeb ayaa sheegay in Warka ay faafisay Maaxtooyada Soomaaliya uu yahay been abuur iyo meel kadhac lagu sameeyey wadahadalkii dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Shaatax oo la hadlay Axadle ayaa yiri: Waa kuu xaqiijinayaa wixii aan kala hadalnay madaxweynuhuna wax qarsoon ma aha, waxa aan ku niri: “Hogamiye Tanaasul ayaa loo baahan yahay, bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxa ay taageereysaa in shirkan natiij wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed waxtarta ay ka soo baxdo! Annaguna haddii aan nahay bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxa aan taageereynaa heshiis iyo isqaadasho iyo wixii heshiis lagu yahay kuna yimaada Wadar-ogol

Duniyo Carshaan oo iyaduna kaqaybgashay kulanka dhexmaray madaxweyne Farmaajo & bulshada Rayidka ayaa sheegtay in aanay marna kala hadlin madaxweynaha wax la xiriira taageero gaar ahaaaneed oo ay u muujiyeen wax aan heshiis lagu wada ahayn, islamarkaana aanay jirin meel ay ku sheegeen in ay taageersn yihiin nuuc doorasho oo u gaar ah sida doorasho qof iyo cod ah ama in ay guddiga doorashooyinka ku taageereen soo jeedintiisa.

Bogga Facebook ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu faafiyey qoraalkan hoose oo lagu muujiyey in Ururrada Bulshada Rayidka ah ay la wadaageen Hogamiyaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Halkan ka aqri Qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya faafisay

MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGA WARBIXIYEY URURRADA BULSHADA RAYIDKA AH HANNAANKA GEEDI SOCODKA SIYAASADDA DALKA

Dhuusamareeb, Luuliyo 19, 2020; Hogamiyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan.

Hogamiyaha ayaa ku ammaanay Ururrada Bulshada Rayidka ah sida ay ugu hanweyn yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda ku wajahan hannaanka doorashooyinka dalka, ugana shaqeyn lahaayeen in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka.

Sidoo kale, Hogamiyaha ayaa uga warbixiyey hormuudka Ururrada Bulshada Rayidka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan xaqiijinta xasilooni siyaasadeed, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay ugu taagan yihiin muujinta aragtidooda ku aaddan dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoomta.

�Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Hogamiyaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More