“Shacabka Soomaaliyeed waa in ay isa gargaar duruufaha lagu…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay Munaasabadda Ciidul Fidriga oo maanta ah maalintii 1-aad.

- Advertisement -

Hogamiye Kaariye ayaa sheegay in duruufo kala duwan oo ay kamid yihiin Covid-19, Dhaqaalaha iyo kuwo kale in ay dareemayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu soo jeediyay in Alle baryadiisa la badiyo si looga baxo dhammaan dhibaatooyinka ka jira Dalka, maadaama bisha fadliga badan Ramadaan idlaatay.

Shacabka waxa uu usoo jeediyay in aysan iska indho tirin tallaabooyinka ay soo jeedisay Wasaaradda Caafimaadka ee looga hortagayo faafitaanka Covid-19.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa xalay waqti dambe ku dhawaaqday in maanta ay tahay maalinta 1-aad ee Shawaal (Soonfur).

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More