Sheekh Shariif oo maalmo kadib gurigiisa kusoo laabtay kana Hadlay

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd hadana ah madaxweynaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sheekh Shariif oo maalmihii la soo dhaafay ka yimid dalka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, musharixiinta qaar, xubno ka tirsan xisbiga Hilimo Qaran iyo mas’uuliyiin kale.

Intaas kadib Sheekh Shariif waxaa loo galbiyay hoygiisa oo kuyaala aaga Miraayo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula hadli doono saxaafada.

Shariifka ayaa lafilayaa in uu ka hadlo xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Caasimadda Muqdisho iyo doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa lafilayaa inuu wada hadalo la yeesho siyaasiyiinta mucaaradka si uu ugala hadlo qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

Laakiin socdaalkii madaxweynihii hore isagoo sii maraya mucaaradka howlaha militariga ee ka socda axadle iyo dhacdooyinka hadda jira iyo xaaladaha siyaasadeed ayaa si gaar ah u sii kordhaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More