“Shiish-barasho”dhaawac kasoo gaarey Ayuu uu Dhintay

325,437

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudane ka tirsan Golaha degaanka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wuxuu u dhintay dhaawac 19-kii September kasoo gaarey Shiish-barasho.

- Advertisement -

Marxuumka, Xasan Cali Xasan, oo tan iyo xiligaas ku jiray Isbitaal Madiina ee Muqdisho, ayaa dhintay habeenimadii Arbacada oo ay Khamiis soo galeysay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degaanka.

Dhacdada lagu dhaawacay kadibna uu u geeriyooday oo illaa iyo haatan aan baaritaan lagu sameynin ayaa waxaa lagu sheegay “shil”.

Xasan ayaa la sheegay in uu barayey gudoomiyaha degmada Warsheekh, Xasan Xaaji Maxamed, sidda loo gano Bastoolad, si uu isaga difaaco weeraro kaga yimaada kooxo hubeysan ama argagixisada.

Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu balaaran ee ay wajahayaan mas’uuliyiinta dowlad goboleedka ay hoostagaan ee HirShabelle.

Mid kamid ah qabuuraha ku yaala magaala madaxda Soomaaliya ayaa lagu aasi doonaa maanta, sidda laga soo xigtay ehelka.

Iyadda oo dhacdadan ay tahay wax ku cusub Soomaaliya, xeel-dheereyaasha ayaa aaminsan in ay xoojineyso baahida loo qabo in la sameeyo goob ay madaxdu ku bartaan qaabka loo isticmaalo hubka.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More