Shirka madaxda DG oo Dhuusamareeb ka furmay.

Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad-boleedka Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa goordhow ka furmay shirka wadatashiga Hogamiye-yaasha Dowlad-boboleedyada 5 ah ee dalka.

- Advertisement -

Madasha uu shirku ka furmayo oo ah xarunta Madaxtooyada ku meel gaar ah ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa waxaa xaadiray madaxweyne-yaasha Maamuladda Galmudug, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, xildhibaano iyo senatoro ka tirsan ee baarlamaanka faderaalka Soomaaliya, wafooda Maamul goboleedyada dalka, ururada bullshasa rayidka iyo Saxaafada madaxa-banaan.

Hogamiyaha Dowlad-boleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo marti loo yahay ayaa furay shirkaan waxa uuna u mahadceliyay dhamaan madaxda Dowlad-boleedyada dalka isaga oo rajo wanaagsan ku muujiyay in shirkaan ay ka soo baxaan qodobo dhan u ah hormarinta dowlad-dhisada Soomaaliya iyo arimaha doorashooyinka oo hada taagan.

Waxa uu sheegay Hogamiye Qoor qoor in shirkaan uu soo aaday xilli aysan mudo kulmin madaxda Dowlad-goboleedyada dalka.

Qoor qoor ayaa sheegay in aysan jirin wax ka muhiimsan doorasho maanta laga hadli lahaa maanta isla markaana u jeedka shirku yahay in looga wada hadlo arimaha doorashooyinka ayna muhiim tahay in laga wada hadlo.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More