Soomaaliya:-60 qof oo laga helay COVID 19, dad ka bogsaday…

- Advertisement -

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 31-ka May soo saartay Warbixinta Maalinta ee COVID 19 ee Soomaaliya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Tirada guud ahaan maanta Fayriska Corona laga helay 60 qof oo ku kala sugan Gobolka Banaadir, Galmudug, Jubbaland iyo Gobaladda Waqooyi.

Warbixinta wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale waxaa lagu shaciyey in 21 qof bogsatay, halka ay 5 qof u geeriyootay, xanuunka Coronavirus oo guud ahaan caalamka dhibaato ku haaya.

Halkan ka akhriso Warbixinta Maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka ee COVID 19:

> Laga Helay: 60

> Jubbaland: 32

> Gobaladda Waqooyi: 18

> Benadir: 6

> Galmudug: 4

> Lab: 53

> Dhedig: 7

> Bogsasho: 21

> Dhimasho: 5

——————————–

> Tirada Guud Laga Helay: 1,976

> Bogsashada Guud: 348

> Dhimashada Guud: 78

Marka laga soot ago Soomaaliya kiisaska coronavirus ee qaarada Afrika ayaa maanta gaaray 140,768,waxaa xanuunka ka soo kabsaday 58,934, halka dhimashaduna marayso 4,050.

Guud ahaan Caalamka In ka badan 6.06 milyan ayaa xanuunka qaaday sida laga soo xigtay xogta jaamacadda Johns Hopkins. In ka badan 369,000 oo qof ayaa ku dhintay, halka 2.56 milyan ay ka so kabsadeen xanuunka.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More