Soomaaliya oo beesha Caalamka ka dalbatay si xal loogu helo daadadka

14,709

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo degaanada fatahaaduhu saameeyeen.

- Advertisement -

Khayre ayaa Arbacadda maanta ah warqadda codsiga wuxuu u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah.

Sidda uu baahiyey safiiskiisa, Dowladda Federaalka ah ayaa waxa uu xusay in ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto.

Hase yeeshee xaalladda hadda taagan ayuu cod dheer ku qeexay “in ay u baahan tahay in si wadajir ah leesaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen.

Dhimasho, barakac baahsan iyo burbur kaabayaal dhaqaale oo yimid ayuu tibaaxay “in ay uga sii dareen xaaladii bini’aadninimo ee horay u taagneyd”.

“…lana filayo in maalmahaan roobabku sii socodaan, biyaha wabiguna ay sii sare marayaan, arrintaas oo sababeysa daadad dheeraad ah,” ayaa lagu yiri qoraal xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumada Muqdisho kasoo baxay.

Bayaanka oo nuqul kamid ah ay heshay saxafadda ayaa intaas ku daray: “Mudane Xasan Cali Khayre [ayaa] adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto”.

Beesha caalamka ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey inay maal geliyaan “xalka waara ee mustaqbalka” si looga gaashaanto dhibaatooyin nuucaan oo kale in ay dalka kusoo laabtaan.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More