Soomaaliya oo ku guulaysatay Hogamiye ku xigeenka…

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, ayaa loo doortay Hogamiye ku xigeenka Golaha Guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

- Advertisement -

Mudada xil-heynta Baalle oo kamid noqonaya shir-gudoonka fadhiga 75aad ee golaha ayaa hal sano, 2020-21. Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa u hambeeyay doorashada.

Warbixin koban oo lasoo dhigay barta mareegaha Twitter-ka ee safaaradda ayaa lagu sheegay in doorashadan ay “sharaf u tahay” dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay kamid noqoto shir gudoonka tan iyo burburka uu haatan kasoo kabanayo dalka ee bilowday sanadka markii uu ahaa 1991-dii kadib dagaal sokeeye.

Volkan Bozkır, oo u dhashay dalka Turkiga, ayaa sanadkan loo doortay madaxweynaha fadhiga 75aad ee Golaha Guud ee UN-ka.

Diblumaasiga waa ergayga Ankara ee Qaramada Midoobay.

Turkiga ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya, waxaana xukuumadda jirta oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo ay bil walba siiyaa dhaqaale lagu kabo miisaaniyadda dalka.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More