Taliyaha Booliis Soomaaliya iyo Guddoomiye Xaliimo Yarey oo…

Muqdisho waxaa ku kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdi Maxamed Xijaar.

Waxa ay falanqeeyeen xaaladda amni, Kaalinta Booliisku uu ka qaadan karo Doorashada dhammaadka sanadkaan 2020 ilaa bilawga sanadka soo socda 2021-ka la qorsheynayo in ay dalka ka dhacdo.

Taliye Xijaar waxaa la weydiiyay sida Booliiska Soomaaliya ay u sugi karaan dadka ka qaybgalaya Doorashada Dowladda soo socota marka uu idlaado Waqtiga Dowladdaan Federaalka ee talada qabatay 2017.

- Advertisement -

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa booliiska Soomaaliya ka dalbaday min Caasimadda ilaa Xarumaha Dowlad Goboleedyada ay qaataan sugidda Amniga, si dadka ka qaybgala Doorashada ee Codeynaya ay diiranaan u helaan.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Xijaar ayaa ballanqaaday in ay kasoo baxayaan Doorka Ciidamada amniga ka saaran Xasiloonida Goobaha Doorashada ay u qoondeeyaan Guddiga u xilsaaran.

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya in ay dalka ka hirgeliyaan Doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto Dowladda xigta midda haatan talada heysa.

Dhawaan waxa ay la kulmeen MadX katirsan Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ay kala hadleen sidii ay qayb ugu qaadan lahaayeen rumeynta Hamigooda ah in Doorasho Dadweyne ay dalka ka hirgeliyaan waqti dheer kadib.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy