Taliye ku Xigeenkii NISA ee G/shabeelaha hoose oo lagu dilay Muqdisho.

262

Wararka ay Mustaqbal Radio ka helayso degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheega in Taliyihii Xigeenkii Nabad Sugidda Gobolka shabeelaha hoose maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Koox hubeysan ayaa Taliyaha waxaa ay ku dileen degmada Hodan gaar ahaan Xaafada Taleex, kaas oo la sheegay in uu dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Taliyaha oo magaciisa lagu sheegay Dhaayow Cusmaan Aadan ayaa waxaa uu horay uga tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga ee mar maamulayay Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Dhaayow ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA ee degmada Qoryoolay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidanka Amaanka Dowlada Soomaaliya ay goobta dilku ka dhacay gaareen isla markaana baaritaan ka bilaabeen halka dilku ka dhacay

Ciidamada amaanka ee degmada Hodan ayaa daqiiqado.kadib gaaray goobta, iyagoo meydka marxuumka u qaaday xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, halkaasoo Sawirro looga qaado dadka la dilo.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More