Taliyihii uu magacaabay Farmaajo oo la wareegay

5

Muqdisho (Axadle) – Taliyaha KMG ah ee uu xalay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday u magacaabay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareegay Fahad Yaasiin, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta taliska guud.

Qoraal lagu taabacay barta twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Yaasiin uu xilka la wareegay, isaga oo la faray inuu guto waajibaadka shaqo ee igmaday.

“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay taliska NISA.

Sidoo kale warka qoraalka ah ayaa lagu sii yiri “Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday,”

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii uu Farmaajo sameeyey magacaabis deg deg, kadib wareegta uu soo saaray, waxaana Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud si KMG ah loogu dhiibay hay’adda NISA, halka Fahad Yaasiin loo magacaabay la-taliyaha amniga qaranka.

Ninka la wareegay NISA ayaa horey u ahaa taliyaha nabad sugida ee gobolka Banaadir, ‘wuxuuna ka mid yahay; shaqsiyaadka lagu eedeynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Si kastaba tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisada u dhexeya ra’iisul Rooble iyo Farmaajo, maadaama ra’iisul wasaaraha isna dhankiisa talisa NISA u magacaabay Fahad Yaasiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More