Trump ayaa Taageeray Wada Xaajoodyo ay Masar, Itoobiya iyo Suudaa

Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa taageeraya wadahadalada Masar, Itoobiya, iyo Suudaan si loo xaliyo khilaafka ka dhashay biyo xireenka.

3,224,428

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweyne Donald Trump ayaa taageeray wada xaajoodyo ay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ka galaan muranka u dhaxeeya saddex dal ee Afrikaanka ah, sidda uu sheegay Aqalka Cad.

- Advertisement -

Hogaamiyaha Mareykanka oo khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa wuxuu ku booriyey in uu miiska wada hadalka yimaado, sidda uu baahiyey xafiiska Trump ee Oval.

“Madaxweyne Trump ayaa taageero u muujiyey wada hadaladda Masar, Itoobiya iyo Suudaan si ay heshiis iskaashi uga baaraan biyo xireenka Nile,” ayuu yiri Judd Deere, oo ah afhayeenka Aqalka Cad.

El-Sisi oo u mahadceliyey Trump ayaa baraha bulshadda wuxuu ku xoojiyey muhiimadda wada xaajoodyadda saddex geesoodka ah.

“Wada hadalka waa awooda gaarka ah ee lagula tacaali karo colaadaha ayna ku gaari karaan xal waara,” ayuu Donald Trump xusay.

Xukuumadda Washington ayaa casuuntay dowladahan si ay u soo afjaraan ismaandhaafka ka dhashay mashruucaan.

Wada hadaladda dhinacyadaan ayaa lagu wadaa in ay Washington DC ka qabsoomaan 6-da bisha November ee sanadkan.

Khaahiro oo diidan mashruucaan ayaa ka cabsi qabta in ay biyo xireenka ku lumiso qayb kamid ah biyaha Nile, halka Addis Ababa ku doodeyso in uu yahay mashruuc horumarin iyo kobac dhaqaale u horseedaya.

Shiinaha, oo kamid ah dowladaha ugu horeeya dhanka mashaariicda noocaan ah ayaa maalgelineysa fulinayana dhismaha biyo xireenka oo qayb ahaan la bilaabay ayna ku baxeyso malaayiin Doollar.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More