Uganda oo Ciidankeeda u diyaarisay Howlgal ka dhan ah

Taliyaha Ciidamada Uganda ee ku jira howlgalka Ururka Midowga Afrika AMISOM Gen. Richard Otto ayaa dhameystiray kormeyr qiimeyn ah oo uu ku tagay dhammaan saldhigyada Ciidamada UPDF-ta ay ku leeyihiin Koofurta Soomaaliya.

Richard Otto ayaa tagay Difaacyada hore Ciidamada Uganda ee xiran Koofida Cagaaran Nabad ilaalinta Midowga Afrika, si uu qiimeyn ugu sameeyo xaaladda Askarta & sida ay u howlgalaan waqtigaan.

Otto, waxaa wehliyay saraakiil sare sare oo ka socday Dowladda Uganda oo daneynayay in ay qiimeeyaan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka kahor inta aysan qaadin duulaan ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Uganda qaybta AMISOM ayaa sheegay in ay Askarta UPDF-ta ay ku sugan yihiin Gobollada Banaadir, Shabeelaha Hoose & Jubada Dhexe, isla markaana ay gudanayaan waajibaadka ay u joogaan Soomaaliya.

Waajibaadka ugu weyn ee Militariga Uganda waa ilaalinta waddooyinka Sahayda ay marsiisanayaan, isticmaalka gaadiidka Shacabka & isu gudubka Xarumaha muhiimka ah ee ay ku sugan yihiin.

“Waxa aan ku faraxsanahay u diyaargarowga Dagaalka iyo waxtarkiina Muuqda, waxa aan sii wadeynaa in aan hoos u dhigno awooda cadawga ee dhanka dagaalka” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Uganda ee ku jira Howlgalka Midowga Afrika oo waajib ka saaran yahay Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Uganda ayaa si gaar ah u bogaadiyay qaybta kahortagga qaraxyada, maadaama weerarada Al-Shabaab ku bilawdaan halka waddooyinka ay geliyaan miinooyin oo waxyeelada ugu badan sababta.

Xeryaha ciidan ay sida gaarka ah u tageen saraakiishaan ayaa kala ah: Baraawe, Garoonka Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Ballidoogle, Ceel Jaalle, iyo Carbiska oo dhammaan katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn askarta ayuu u la wadaagay fariin ku saabsan ka fogaanta faafitaanka xannuunka Covid-19 oo saameyn taban ku yeeshay guud ahaan Caalamka, si gaar ah xiriirka Bulsho oo ay sameynayaan.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More