Daawo: Imaamka Mudulood oo war kasoo saaray khilaafka ka taagan

Muqdisho (Axadle) – Iimaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay khilaaf xoog leh oo ka taagan mid ka mid ah kuraasta beesha ee golaha shacabka, kaas oo tirsigiisu yahay HOP141.

Kursigaas waxaa hada ku fadhiya wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, oo kasoo jeeda beesha Owbakar Gaabane ee Harti-Abgaal.

Imaamka ayaa sheegay in hadallada ay warbaahinta isku marinayaan xubno u dhashay beesha oo Jawaahir Baarqab uu ka carabaabay uu aad u dhibsaday aysana habooneyn, isla markaana loo baahan yahay in si walaalnimo ah wax loo qeybsado.

“Walaalayaalow nama qabato in dadkeenu is cambaareeyaan oo la dhaho reer hebel ayaa xaqeena cunaye hamatageen, taas nama qabato walaalayaalow, hadaan tusaale u soo qaato Harti-Abgaal waxaan leeyahay walaalayaal Cadale lama kala xigo… kursigaas waa naga wada maqan yahay oo Xasan-Warante ayaa nagala wareegay hadaan Harti-Abgaal nahay,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Anigo odaygii Mudullood ayaan ahay u kala eexa maayo, warka kusigaas ku saabsan waa i dhibay, sababtoo ah nin wixiisii meesha uu ka baxshey og ayaa ku leh hebel ayaan wax laleeyahay, maalin dhaweetana waxaan maqlaayey ha matageen reer hebel, warkaas waa i dhibay, waxaana tiri Ina Baarqab. Ina Baarqab waxaan leeyahay walaaley Gob lama matajiyee joog, walaxaa ku saarane meel fariiso.”

Kursigan khilaafka abuuray waxaa sheeganaya beelaha Cabdalle Caroone iyo Habar Nugaale Caroone, oo sheegaya in beesha Owbakar aysan xaq u lahayn kursigan, ayna tahay in laga soo wareejiyo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa gaaray degmada Cadale. Sida aan xogta ku helnayna safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa hordhac u ah safar ay maanta degmada Cadale ku tegi doonaan Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Sababta ay Madaxweynayaashii hore u tegayaan Cadale waxaa lagu sheegay inay xal u raadinayaan muran xooggan oo ka taagan lahaanshaha kursiga tirsigiisu yahay HOP141.

Beelaha kursiga sheeganaya ayaa waxay eedeynayaan Shariif Sheekh Axmed iyo Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, oo ay sheegeen inay siiyeen beel aan xaq u laheyn, ayna tahay in lasoo celiyo.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay aad u daneynayaan in khilaafka hareeyey kursigaa xal rasmi ah laga gaaro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More