Waa kuma Cabdiraxmaan Xabashow oo loo magacaabay xog-hayaha…

Sii hayaha xilka ra’isalwasaaraha Mahdi M. Guuleed oo madaxweyne Farmaajo 25-July-2020 u igmaday in uu sii wado howlaha xukuumadda ayaa todobaad gudihiis waxa uu magacaabay markii labaad xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’isalwasaaraha, 28-July-2020 ayaa xilkan waxa si kmg ah waxa loogu magacaabay Abdirisak Xuseen Aaden balse maanta oo Sabti ah 7:30 ayaa sii haya xilka XRW waxa uu shaaciyey in uu Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim (Xabashow) u magacaabay in uu si kmg ah u noqdo xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska ra’isalwasaaraha, haddaba waa kuma xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska RW Cabdiraxmaan Xabashow?

- Advertisement -

Cabdiraxmaan Mucaawiye waxa uu ahaa ku xigeenka xog-hayihii hore ee xafiiska Raisalwasaaraha hayeeshee inkasta oo muddo dheer joogay xafiiska hayeyna xilkaas haddana shaqo ahaan kama dhex muuqan shaqada xafiiska xog-hayaha iyo guud ahaan shaqada xafiiska Ra’isalwasaaraha, sida ay u sheegen Axadle xubno kamid ah shaqaalaha xafiiska ra’isalwasaaraha Cabdiraxmaan Xabashow kama mid ahayn howl-wadeenka sare ee xafiiska xog-haynta! sidaas oo kalana inkasta oo uu ahaa ku xigeenka xog-hayaha joogtada haddana maalina ma qaban xilka kusimaha xog-hayaha iyada oo xilkaas marka uu maqan yahay xog-hayaha joogtada uu sii hayn jiray agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee xafiiska RW.

Cabdiraxmaan Mucaawiye waxa uu kamid yahay xubnaha dowladda federaalku u soo xulatay guddiga farsamada ee katalo-bixinta hannaanka doorashooyinka dalka kuwaas oo golaha wasiirada ee waayey kalsoonidu uu anisixiyey 30-July-2020

Waa maxay sababta xilka looga qaaday Cabdirisak Xuseen Aaden?
Sida ay Axadle u sheegen ilo-wareed ku dhow XRW Cabdirisak Caato xog-hayihii kmg ahaa ee xafiiska RW ayaa ciidan u diray gaari nuuca xabbaddu aysan karin ah oo uu watay Yaxye Cali Hareeri oo kamid ahaa dadka sida aadka ah ugu dhowaa Ra’isalwasaarihii XFS Xasan Cali Khayre, ciidanka ayaa si xoog ah u soo kaxeystay gaariga oo siday xog-hayihii xilka laga qaaday ee XRW Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, hayeeshee kaddib cabasho gaartay madaxweyne Farmaajo ayaa sababtay in sii hayaha xilka XRW uu soosaaro xil ka qaadidda Cabdirisak Xuseen Aaden iyo magacaabidda Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim (Xabashow)

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More