War-Murtiyeed laga soo saaray Shirkii madaxa DG ee…

Shir Wada-tashi ee Dowladaha Xubnaha ka ah Xukumadda Federaalka Soomaaliya
Dhusamareeb, July 12, 2020

- Advertisement -

WAR-MURTIYEED
Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo ah Hogamiyaha Xukumadda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hogamiyaha Xukumadda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Hogamiyaha Xukumadda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Hogamiyaha Xukumadda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren iyo Hogamiyaha Dowladda Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaan ayaa waxay shir Madaxeed wadatashi ah isugu yimaadeen Magaalo Hogamiyayaasha Galmudug ee Dhuusamareeb, shirka ayaa si rasmi ah u furmay 11 July, socdayna illaa 12 July 2020.
Ugu horeyn Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Xukumadda iyo Shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta Shirka wadatashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Xukumadda Federaalka ah.
Hogamiyayaasha Dowladaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Xukumadda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.
Dood iyo wada-xaajood dheer oo Shirku ka yeeshay arrimaha siyaasadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka hay’adaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxay
1. In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Xukumadda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha
2. In doorashada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.
3. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.
4. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Hogamiyaha Xukumadda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Xukumadda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.
5. Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More