Wararkii ugu dambeeyey doorashada Aqalka Sare ee

0

Muqdisho (Axadle) – Magaalada Jowhar ee Axadle HirShabelle waxaa saaka ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Aqalka Sare, taas oo maanta ka dhaceysa magaaladaas oo sidoo kale xarun u ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Illaa 27 musharax ayaa ku loolamaya tartanka doorashada maanta ka dhaceysa Jowhar, kuwaas oo ku loolamaya sideeda kursi ee ay HirShabelle ku leedahay Aqalka Sare.

Musharixiinta ayaa xalay kulamadii ugu dambeeyey la qaatay xildhibaanada golaha wakiilada ee dowlad goboleedka HirShabelle, iyaga oo kala hadlay arrimaha doorashada.

Kuraasta qaar ayaa isha lagu hayaa, kuwaas oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin saameyn, waxaana ka mid ah kuraastaas kursiga uu ku fadhiyey Muuse Suudi Yalaxow oo mar labaad doonaya in dib loo doorto, hayeeshee waxaa haatan kula tartamaya Cabdullaahi Sheekh Xasan,  Axmed Xasan Cadow (Daaci) iyo Dr. Xasan Cadaay Cali.

Sidoo kale kursiga xiisa leh waaa midka uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Dr Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo markale isa soo sharraxay, isna waxaa kula tartamaya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo Raage Xasan Cusmaan (Xuut)

Dhammaan musharixiinta tartameysa ayaa shalay khudbado ka jeediyey xarunta baarlamaanka ee HirShabelle, iyaga oo ka hadlay taariikhdooda iyo waxqabadkooda.

Doorashada HirShabelle ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana musharixiinta ay u tartami doonaan si daah-furan, iyadoo halkii kursi ay u sharraxan yihiin laba ugu badnaana lix.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More