Wasiirka Amniga Galmudug oo la wareegay Maleeshiyaad iyo…

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa galabta la wareegay Maleeshiyaad hubeysan iyo Gaadiidkii dagaalka ay heysteen si loogu xareeyo tababar, maadaama uu horay u ballanqaaday in la qarameynayo.

- Advertisement -

Image may contain: 10 people, people standing

Munaasabadda waxaa googjoog ka ahaa mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana askarta lagu xareeyay Xero Ciidan oo lagu magacaabo Indha-Qaris oo dhacda Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Image may contain: 6 people, people standing and outdoor

Qorshaha Wasaaradda ayaa ah in maalmaha soo socda maleeshiyaadkaas lagu biiriyo kuwo kale oo la qorsheynayo in ay qayb ka noqdaan Askarta Daraawiishta, Booliiska iyo Nabadsugidda Galmudug oo ol-ole lagu xoojinayo uu wado Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Image may contain: 7 people, people standing

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa dhawaan ciidamo booliis ah geysay baro kontorool oo ay sameysteen maleeshiyo beeleed lacago uga qaadi jiray Gaadiidka Rakaabka iyo kuwa Xamuulka ah.

Image may contain: 2 people, people standing

Madaxtooyada Galmudug ayaa qorsheyneysa diyaarinta lacago lagu maareeyo tababarka maleeshiyaadkaan, labiska ciidan, lambareynta Gaadiidka iyo hubka ay ku howlgalayaan kolka ay dhameystaan tababarka kooban ee la siinayo.

Image may contain: 1 person, standing

DFS ayuu maamulkaan kala kaashanayaa culeysyada ku horgudban maadaama askarta la tababarayo ay kor u dhaafayaan boqol ruux, halka ciidamo cusub la geeyay goobihii laga qaaday.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More