Wasiiru katirsan Xukuumadda Gobaladda Waqooyi oo laga helay…

Labo Wasiir oo katirsan Maamulka Hogamiye Muuse Biixi oo baaris lagu sameeyay waxaa laga helay fayruska Corona oo haleelay, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimadka Gobaladda Waqooyi oo soo bandhigtay Natiijada baaristooda.

- Advertisement -

Wasiirka Maalgashiga Gobaladda Waqooyi Maxamed Axmed Cawad ayaa qiray in uu isku arkay calaamadaha cudurka, kadib markii qoraal uu soo dhigay bartiisa twetterka kaga xog-warramay arrintaas.

Waxa uu tilmaamay in xaaladdiisu hadda wanaagsan tahay, maadaama uu karaankiil is geliyay si bulshada ka caafimaad qabta fayruska uusan ugu gudbin sida uu hadalka u dhigay Wasiir Maxamed.

Wasiirka kale ma shaacin Wasaaradda Caafimadda magaca iyo Wasaaradda uu hayo, balse waxa ay sheegtay in diiwaanka dadkii ugu dambeeyay ee laga helay Covid-19 in uu ku jiro Wasiirkaas.

Maamulka Gobaladda Waqooyi waxa uu kaalinka sare ka galay dadka ugu badan ee waayahaan laga diiwaangelinayay fayruska Covid-19.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More