Xafiiska hanti-dhowrka oo lacagta ka dhimay maamulka gobolka…

Muqdisho (Axadle) – Warqad ka soo baxday xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranka ayaa wasiirka maaliyadda Soomaaliya lagu faray inuu hakiyo lacagta boqolleyda ah ee la siiyo hey’ado ka mid yihiin, Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Bangiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, halka la faray inuu dhimo lacagta ay boqoleyda ah ee wasaaraddu siiso Bangiga Dhexe ee dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

“Sida aad la socoto miisaaniyadda Soomaaliya waxan ay isugu jirtaa deeq dibedda ka timaada iyo dakhliga gudaha oo soo kobcaya, balse aan weli gaarin heer la isku haleyn karo inuu daboolo ama looga maarmo deeqaha dibedda. lyadoo la tixgelinaayo beekhaaminta  miisaaniyadda dowladda, lana hubinaayo in inta yar ee ku jirta gacanta dowladda loo isticmaalo adeegyada muhiimka u ah nolosha muwaadinka iyo kobcinta awoodda dowladnimada, ayaa waxaan kugu wargelinayaan in laga billaabo 1-da Agoosto, 2021. La hakiyo bixinta lacagta boqolleyda  ah ee la siiyo.”

1 – Bangiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya.2 – Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Sidoo kale warqadaan ka soo baxday xafiiska hantidhowraha guud ee dowladda ayaa wasaaradda maaliyadda looga dalbaday inay dhinto bixinta lacagta boqoleyda ah ee la siiyo Bangiga Dhexe maamulka gobolka Banaadir, waxaana loo kala qorsheeyey.

1 – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in laga dhigo lacagta la siiyo boqolkiiba  hal barkiis (0.5%)2 – Maamulka Gobolka Banaadir in laga dhigo lacagta la siiyo boqolkiiba  Toban (10%).

“Arrintaan ayaa dib u qiimeyn lagu sameyn doona, iyadoo talo ay kasoo saari doonaan hey’adaha dowladda Soomaaliye eek u shaqada leh. Sidaas darteed waxaan ka rajeynayaa wasaaradda maaliyadda in arrinkaan la dhaqan geliyo, lana fuliyo,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska hantidhowraha oo ku socday wasiirka maaliyadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More