Xamar gaadiidka dadweynaha oo aan shaqeyneyn maalintii 3aad

111,415

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii 3aad shaqo joojin ku jira Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaanno Hoomeyada.

- Advertisement -

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda Gaadiidka ay ku soo rogeen canshuuro dheeraad ah.

Gaadiidleyda ayaa maalmihii la soo dhaafay banaanbax ka dhigayay Magaalada Muqdisho, waxaana ay ka cabanayeen canshuuraha dheeraadka ah ee lagu soo rogay.

Wadayaasha Gaadiidka ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda ay ku soo rogtay Cabshuur dhan 43,000 oo shilin Soomaali ah oo maalinle ah.

Lacagahaas ayaa la joojiyay 30kii March 2019 kaddib markii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu ku dhawaaqay in la xiray Waddooyinka Muqdisho si loo sugo amaanka Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa xilligaas sheegay in muddo saddex bilood ah la xiray Waddooyinka marka amaanka la xaqiijiyana la furayo hayeeshee todobo bilood kaddib ballankaadkaas ma fulin,waxaana la sii adkeeyay xirnaanshaha Waddooyinka Muqdisho tii oo ay u dheertahay Canshuuro dheeraad ah oo ay dowladda soo rogtay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa magacaabistiisii 31 August ku dhawaaqay in uu furayo waddooyinka xiran ee Muqdisho.

Saddex bilood kaddib waxba kama soo naasacaddaan waxaana wali socda xafladaha lagu soo dhaweynayo ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu shalay kulan la qaatay Gaadiidleyda cabashada qaba Guddina loo saaray sida faafiyeen shaqsiyaadka baraha Bulshada wax ugu qora Maamulka Gobolka Banaadir.

Hayeeshee dadka Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay iyada oo aysan shaqeyneyn Gaadiidka dadweynaha maalintii 3aadna lugtooda maalayaan iyada oo dowladdu aanay ka garaabin xirnaanshaha Waddooyinka iyo Canshuurta dheeraadka ah ee socota.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku faanay in shuruudaha IMF ee dakhli kordhinta gudaha mar kasta ay ka saramaraan heerka la loo qabto deyn cafintana ku socoto si xowli ah.

24kii July qarax ka dhacay Xarunta aqalka dowladda hoose ee Muqdisho waxaa uu sababay geerida toban xubnood oo uu ka mid ahaa duqii hore ee Muqdisho oo dhaawac ahaan ugu geeriyooday Dalka Qadar.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More