Xaruunta baarista wiil ku dhex-dhintay saldhiga booliska Jabuuti

321,433

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Su’aallo iyo hadalheyn xoog leh ayaa ka dhashay wiil dhalinyarro ahaa oo ku geeriyooday saldhig boolis oo ku yaala duleedka magaaladda Jabuuti, caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

- Advertisement -

Idaacadda VOA-da ayaa baahisay in dadka shacabka ay isla dhexmarayaan in Gadhiidshe Ladii Cumar uu u dhintay jirdil loo geystay ayna dalbanayaan jawaabo waafi ah.

Suleymaan Cumar Cudin, gudoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha, oo baarey kiiskan ayaa soo bandhigay maxsuulka.

Sidda laga soo xigta warbixinta, Gadiidshe oo ay wehliyaan saddex rag kale ayaa bileyska kula kulmay halka loo yaqaano Dihda Cagar Dheere oo dhacda duleedka Jabuuti. Bartan waxaa ku yaala saldhig boolis.

Kontaroolkaas oo aad loo waardiyeeyo ayaa waxaa laga ilaaliyaa dadka sida sharci daradda dalka kusoo galaya iyo badeecadaha kontarabaanka ah.

“Raggii kale way baxsadeen laakiin Gadiidshe wuu ordi kari waayey, wuxuuna isku dhiibay booliska,” ayuu hadalkiisa raaciyey Suleymaan.

Gadiidshe ayaa kolkii uu laamaha amniga isku gacan-gelinayey xaaladiisa caafimaad waxay ahayd mid liidatay, waxaana uu codsaday gurmad caafimaad oo degdeg ah, kaasoo durba loo fidiyey.

Isbitaalka weyn ayaa waxaa u qaadey gaadiid bileys oo si degdeg ah meesha ku yimid, balse nasiib darro, waa uu geeriyooday.

Qoyskiisa ayaa kadib waydiistay xeer-ilaalinta in loo baaro hadii wiilkooda uu u dhintay jirdil ay kula kaceen ciidamadda ammaanka.

Warbixinta natiijadda baaritaanka ee dakhaatiirta ayaa muujisay in Gadiidshe uu u dhintay xanuuno kale oo horey u hayey. Kamana aysan muuqan jirkiisa calaamado jirdil ah.

Cabdullaahi, oo ay walaalo yihiin marxuumka, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday “in ay ku qanaceen” shaacinta xeer-ilaalinta iyo dhakhaatiirta.

“Dacwadda annagaa dhiganay [gudbinay], ha noola baaro ayaa niri, baaristii waxaa la yiri meydkaas waxba ma qabo, wax gacan oo lagu dilayna ma jirto, sidii ayaan ku qaadanay oo ku aasanay,” ayuu yiri.

Taliska Booliska ayaa laga soo xigtay in uu tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada Gadiidshe, kuwaas oo bedel wanaagsan rajeynaya.

“Tii [waxbixintii dhakhtarka] soo saarey ayaa ku qanacnay, waan ku aasanay, dacwadii sidii ayaan uga laabanay. Baaritaankii dowladdu ayaan ku qanacnay, wad unbaa dilay ayaa la yiri,” ayuu raaciyay.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More