Xiisad ka taagan mooshinka Mustafe Cagjar ee looga soo horjeedo …

Magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay mooshin laga gudbiyay Hogamiye Mustafe Muxumed Cagjar iyo xildhibaano qaar oo laga xayuubiyey xasanadii.

- Advertisement -

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa sheegay in ay soo gaareen jirdil muuqda iyo mid gudaha  ah oo ay uu geysteen ciidamada nabad sugida degaanka soomalida, sidaa darteedna ay codsadeen in waxyeeladaasi la gaarsiyey wax laga qabto.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada Jigjiga si ay uga hortagaan falcelinta xildhibaanada xanaaqsan ee sida xun ay ula dhaqmeen Ciidamada Amniga Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Cabdiraxmaan Curaagte oo kamid ah Xildhibaanada Xasaanadda laga qaaday oo Warbaahinta la hadlay waxa ay sheegay in dacwad ay la tiigsanayaan Madaxda Dowlad Deegaanka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Mustafa Cagjar

Xukumadda Federaalka.

Wasiirka Xafiiska Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Cali Badal ayaa difaacay go’aanka Xasaanadda looga qaaday 12-ka Xildhibaanno oo uu ku tilmaamay in ay sameynayeen falal ka dhan ah Dowlad Deegaanka.

Fardowsa Maxamed Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ahna ku simaha Guddoomiyaha waxa ay dhankeeda sheegtay in tallaabada Xasaanadda looga qaaday ay tahay mid looga hortagayo dhibaatooyin ay u geysteen Shaqaale Dowladood oo aan Xasaanad lahayn.

Xildhibaannada Xasaanadda laga qaaday ayaa kahor yimid go’aankaas, waxaana magacyadooda ay kala yihiin:

1-Maxamed Axmed Layli, 2-Axmed Aadan axmed, 3-Cabdiwali Axmed Faarax,4- Mahad Xasan Maxamed, 5-Shaafi Cashiir, 6-Nadiir Yuusuf Aadan, 7-Cabdirisaaq Cabdullaahi Belyi, 8-Yuusuf Cilmi Isaaq, 9-Axmed Xasan Nuur, 10-Yuusuf Axmed Xirsi, 11-Nimcaan Cabdullaahi Xamare iyo 12- Cabdiraxmaan Curaagte.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More