Xijaar oo soo saaray amar ku socdo musharraxiinta

Muqdisho (Axadle) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa soo saaray amar ku socda musharraxiinta ka qeybgalaya doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xijaar ayaa soo jeediyey in la baaro qof kasta oo musharrax ah iyo ergooyinka wax dooranaya, si loo ogaado inay dambi ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in baaris kadib ay u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha oo ah mas’uulka ugu sarreeya doorashada, si uu ula wadaago golaha wada-tashiga qaranka.

“Qof kasta oo musharrax ah iyo qof kasta oo ergooyinka wax dooranaya ah waxa aan soo jeedinayaa in la baaro oo la ogaado inay dambi ka galeen Ummadda Soomaaliyeed waxaana u geyneynaa ra’iisul Wasaaraha si uu ugu sii gudbiyo golaha wada-tashiga qaran” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal-qaaday eedeyn loo jeediyey taliska Booliska oo ah inuu ka horyimid musharraxiin warqadda dambi la’aanta ka dalbaday xarunta C.I.D, isaga oo qiray inay jiraan shaqsiyaad musharraxiin ah oo tegay xarunta, balse aysan jirin is hortaag lagu sameeyey.

Xijaar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in aysan jirin cid la siiyey warqadaasi, isla-markaana ay ku shaqeynayaan nidaamka u degsan dowladda Soomaaliya.

“Cid aanu siinay waraaq hala soo helo, taasi waxa ay muujineysaa in aanay jirin cid aan siinay iyo kuwo aan u diidnay, C.I.D-du way tageen dad badan oo musharraxiin ah oo raba in ay tartamaan balse waxa aan ku shaqeynaa nidaamka Dowladda oo ma nihin siyaasiyiin” ayuu hadalkiisa sii raaciyey taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan ay si rasmi ah u bilaabatay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More