Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Taiwan oo isku dhex…

Kulan dood adag ah oo sababtay gacan qaad dhexmaray qaar kamid Xildhibaannada Baarlamaanka Taiwan waxa ay ku yeesheen xaruntooda, xili ay isku gacan-qaadeen qaar kamid ah Xildhibaannada.

- Advertisement -

Doodda waxa ay salka ku haysay kadib markii la horgeeyay Ansixinta Mas’uuliyiin katirsan guddiga Madaxa Banaan ee la socodka howlaha la xisaabtanka Xukumadda oo ay isku maandhaafeen Xildhibaannada.

Chen Chu oo ah Xubin katirsan Xisbiga Talada Taiwan haya ayuu Hogamiyaha dalkaas soo jeediyay in in loo magacaabo kamid noqoshada guddiga dabagalka holwaha Xukumadda dhanka Xisaabta.

Aragti dhiibo kadib, muran iyo sawaxan ayaa ka dhex bilawday Dhismaha Xarunta Baarlamaanka Taiwan, kolkii dambe Xildhibaanno ayaa isku feeray, waxaana kala dhexgalay Ciidamada booliiska ee u gaarka ah ammaankooda.

Waa markii saddexaad oo ay xubnaha Baarlamaanka gacan iskula tagaan (Isku Feeraan) muddo labo todobaad gudihiis, guddiga Anshaxa iyo Guddoonkooda ayaa wado xeerar iyo qodobo xakameynaya arrintaan, maadaama muran iyo dood waliba uu sababayo gacan qaad.

Axadle

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More