Xildhibaano iyo Wasiiro la baxay “Kutladda Sharci Dhowr” oo…

- Advertisement -

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horejeestay ansixinta xeerka metelaada gobolka Banaadir.

Xildhibaanadaan oo la baxay “Kutladda Sharci Dhowr” ayaa sheegay in aysan kasoo horjeedin metelaad uu helo gobolka balse ay diidayaan hanaanka loo maray.

Mudaneyaasha oo saxiixyadooda la wadaagay warbaahinta kadib kulan ay ku yeesheen magaala madaxda waddanka ee Muqdisho ayaa wadar ahaan waxay tiradoodu gaareysaa 70.

Xeerka metelaada gobolka Banaadir oo Golaha Shacabka maanta meelmariyey ayaa gobolka siinaya 13 xubnood, taas oo wadarta guud ee golaha Senate-ka ka dhigeysa 67 mudane.

Xildhibaanada diidan xeerkaan ayaa cuskanaya in ay muhiim tahay in la helo maqaamka Muqdisho kahor inta aan la raadin metelaad siyaasadeed, doodaas oo ay siyaasiyiin taageereen.

Xildhibaanadaan waxaa ku jira Wasiiro ka tirsan Xukumada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo sidoo kale Xildhibaano sida wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Shaqada Sadiiq Warfaa.

Hindisahaan oo la rumaysanyahay in Madaxtooyadda ay gedaal ka riixeyso ayaa kasoo horjeeda dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo xeerinaya in xubnaha Aqalka Sarre ay tahay 54 xubnood sida ay ku doodayaan Xubnahaan.No photo description available.Image may contain: textNo photo description available.No photo description available.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More