Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo howl-gal

10

Afgooye (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Howl-galka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa laga fuliyey tuulooyinka, Kaaytoy, Mushaani, Xerta Doonka, Waagade iyo Kabtaanka op hoostaga magaalada Janaale ee gobolkaasi.

Saraakiisha hoggaaminaysay howl-galkan ayaa shaaciyey in inta uu socday howl-galka ay dagaal la galeen Al-Shabaab, ayna ka dileen ilaa 12 xubnood, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay gacanta kusoo dhigeen boqolaal ruux oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Maamulka deegaanka Janaale ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa howl-galka ka dhacay nawaaxiga deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah, kuna yaal gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo noqdeen xeryihii ay markii hore ka baxeen ee nawaaxiga Janaanle  Shabeelaha Hoose.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More