Xukumadda oo Ruqsaddii ugu Horreysay ee Shidaal Baaris Bixineysa

7,458,116

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Bisha December ee sanadkan ay bixineyso ruqsaddii ugu horreysay ee shidaal baaris ah lana siinayo sharikadaha ka shaqeeya soo saaridda shidaalka.

- Advertisement -

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka xukuumadda Soomaaliya C/Rashiid Maxamed Axmed ayaa hadalkan shalay ka sheegay shir looga hadlayay shidaalka Afrika oo ka dhacay dalka Koofur Afrika.

C/rashiid ayaa sheegay in Bisha December ay dowladda Soomaaliya bixineyso ruqsadda 15 Xermo oo shidaalka Soomaaliya ah.

Waxaa uu Wasiirku sheegay in xog ururin horay looga sameeyay 15ka Ceel lagu ogaaday in ay ku jiraan 30 Bilyan oo Barmiil, islamarkaana ay ka faa’deysan doonto Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shirka ka sheegay in ceelashaas shidaalka ee ruqsaddooda la bixinayo Bisha December ay aad uga fogyihiin biyaha Soomaaliya ee ay Kenya muranka gelisay islamarkaana dacwaddeeda taallo Maxkamadda ICJ.

Arrintan ayaa suuragelineysa in sharikadaha ExxonMobil iyo shell ay dib ugu soo laabtaan dalka kaddib burburkii dowladdii Kacaanka.

Labada shirikadood ayaa bishii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ku wareejiyay lacag dhan $1.7Milyan oo doollarka Mareykanka ah oo la xiriirta arrintan,waxaana dhiman sharciyada iyo heshiisyada.

“Marka wax kasta la waafajiyo sharciga, labada sharikadood sida ugu dhaqsiyaha badan ayey dalka ugu soo laabanayaan ayuu hadalkiisa raaciyay”Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More