10kii Saxeex Ee Ugu Wanaagsanaa Ee Arsenal Samaysay Oo La

Arsenal waxay xaseexyadeedii ugu waaweynaa taariikhda samaysay intii uu horyaalka Premier League sitay magaca cusub oo kasoo bilaabantay sannadkii 1991kii, waxaana intooda badan ay ahaayeen laacibiin uu Highbury iyo Emirates Stadium keenay Arsene Wenger oo yaqaanay sida looga adeegto suuqa iibka ciyaartoyga.

- Advertisement -

Laaciibkii uu Wenger keenay Arsenal, waxa ka mid ah weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang oo xalay ku hoggaamiyey Gunners koobka FA Cup, isla markaana saddexdii sannadood ee uu joogay Emirates ka mid ahaa laacibiinta ay difaacyada ka baqdaan.

Laakiin xiddiga reer Gabon ayaan ka mid noqonin liiska saxeexyadii ugu wanaagsanaa ee ay Arsenal samaysay, kuwaas oo uu kaalinta koowaad kaga jiro Thierry Henry oo muddadii uu xidhnaa garanka kooxdan u dhaliyey 228 gool, ka hor intii aanu sannadkii 2007 uga wareegin Barcelona oo uu kula sii guuleystay koobka kaliya ee uu raadinayay oo ahaa Champions League.

Henry ayaa yimid woqooyiga London iyadoo ay da’diisu ahayd 21 jir, kuna soo fashilmay inuu saldhigo Juventus, hase yeeshee tilmaamo uu ka helay Wenger ayaa markiiba ka dhigay weeraryahan khatar ah oo hoggaaminta kooxdana la wareegay, waxaanu ka caawiyey Arsenal inay ku guuleysato horyaalka Premier League jeer, halka ay finalka Champions League na yimaaddeen.

Wenger oo mar wax laga weydiiyey Thierry Henry ayaa waxa uu yidhi: “Thierry Henry waxa uu kubadda ka qaataa khadka dhexe, waxaanu dhaliyaa gool aanu ciyaartoy kale oo dunida joogaa dhalin karayn.”

Laakiin saamaynta uu Aubameyang ku yeeshay Arsenal, waxay ku dhow dahay middii Thierry Henry, hase yeeshee waxa uu ka mid noqon waayay liiska 10ka saxeex ee ugu wanaagsanaa Arsenal, kuwaas oo uu soo bandhigay wargeyska Daily Star Sport.

Halkan ka akhriso tobanka saxeex ee ugu wanaagsanaa taariikhda Arsenal, kooxihii ay uga yimaaddeen, lacagtii ay kula soo saxeexatay iyo waqtigii heshiiska intaba.

10 – Freddie Ljungberg – Halmstads BK, £3m (1998)

9 – Robin van Persie – Feyenoord, £3m (2004)

8 – Sol Campbell – Free transfer (2001)

7 – David Seaman – QPR, £1.3m (1990)

6 – Robert Pires – Marseille, £6m (2000)

5 – Cesc Fabregas – Barcelona, £1m (2003)

4 – Patrick Vieira – Milan, £3.5m (1996)

3 – Dennis Bergkamp – Inter, £7.5m (1995)

2 – Ian Wright – Crystal Palace, £2.5m (1991)

1 – Thierry Henry – Juventus, £10.5m (1999)

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More