“15,000 Gini Ayaan Usbuucii Qaadanayay Waxna Kamaan Dhigan

Markii ay Barcelona lasoo saxeexanaysay Alex Song, waxa uu ka mid ahaa xiddigaha khadka dhexe ee dunida usoo baxayay, laakiin waxay dhibaato ka haysatay dhinaca lacagta oo toddobaadkii uu Arsenal mushahar ahaan uga qaadan jiray 15,000 Gini balse layaabku waxa uu ahaa in aanu waxba ka dhigan jirin lacagtaas ee dhamaanteed uu isticmaali jiray.

- Advertisement -

Alex Song waxa uu ka mid ahaa laacibiintii uu Arsene Wenger doonayay inuu ku dagaal-galo ee suurtogalka uga dhigi karayey inay kooxdaasi kusoo laabato hoggaanka horyaalka, waxaanu filayey inuu ka garab ciyaari karayo Cesc Fabregas, Theo Walcott iyo laacibiin kale, laakiin mashruuca da’yarta ee Gunnes, waxa dhantaalay dalabyo dibedda uga yimid.

Siddeed sannadood oo uu joogay Emirates, waxa uu Alex Song go’aansaday inuu iskaga tago oo uu ku biiro Barcelona, sababtuna waxay ahayd mid la xidhiidhay dhinaca lacagta.

“Siddeed sannadood ayaan joogay Arsenal, laakiin illaa laga soo gaadhayay afartii sannadood ee ugu dambeeyey mushahar fiican kamaan helin, sababtoo ah, mushaharkayga waxa loo kordhinayey si tixgelin leh.” Ayuu yidhi Song.

“Lacag badan ayaan khasaariyey, waxaan tegi jiray cashooyin qaali ah, safarro, dalxiisyo, siddeeddaas sannadood, xataa baankayga maan dhiganin 100,000. Waxaan u malaynayay inaan ahay milyaneer, taasina xaqiiqada may ahayn, kaliya waxaan toddobaadkii qaadan jiray 15,000 Gini.” Ayuu raaciyey.

Intaas kaddib waxa uu ka sheekeeyey sidii uu Barcelona ugu wareegay iyo in uu marka horeba sii ogaa in aanu ciyaari doonin, taas oo lagu sii wargeliyey balse aanu dan ka gelin.

“Barcelona ayaa xiisaynaysay inay ila saxeexato, waxaana ila hadlay agaasimaha ciyaaraha oo ii sheegay in aanan in badan kubadda cagta ka cyaari doonin halkaas, aniguna waxaan u sheegay in aanan danaynayn taas, (sababtoo ah) waxaan ogaa in dhab ahaantii aan milyaneer noqon doono hadda.”

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More