Arsenal Oo Ku Guuleysatay Koobka FA Cup, Chelsea Oo Ay

Arsenal ayaa ku guuleysatay koobkeedii 14aad ee FA Cup ah, kaddib markii ay 2-1 ku garaacday Chelsea oo ay finalka iskugu soo hadheen, taas oo u ogolaatay inay si toos ah uga soo qayb-galaan tartanka Europa League ee xili ciyaareedka soo socda.

- Advertisement -

Mikel Arteta ayaa u dabbaal-degay koobkiisii ugu horreeyey ee waayihiisa tababarenimo, waxaanay ku qaadatay lix bilood inuu Gunners ku hoggaamiyo koobkii ugu horreeyey tan iyo 2017kii, waxaanu ku hor damaashaaday Frank Lampard oo isaguna xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey hoggaaminaya Chelsea, isla markaana finalkii ugu horreeyey yimid.

Chelsea ayaa ka naxsatay Arsenal daqiiqaddii shanaad ee bilowga ciyaarta, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Christian Pulisic, laakiin ka daba yimid Aubamayeang oo rikoodhe lagu galay goolka barbarraha kooxdiisa ku siiyey.

Laacibka reer Gabon ee Auabameyang ayaa ciyaarta oo ay 23 daqiiqadood ka hadhsan tahay goolka labaad ee guusha u horseeday u dhaliyey kooxdiisa Arsenal.

Chelsea ayaa waxay eersatay dhaawacyo  burburiyey qorshihii uu Frank Lampard kusoo galay, waxaana qaybtii hore iyo bilowga qaybta labaad dhaawacyo lagaga saaray Cesar Azpilicueta iyo Christian Pulisic, halka kaadh casna uu ku baxay laacibka khadka dhexe ee Mateo Kovacic.

Arsenal ayay guusha FA Cup u tahay waxtar weyn, waxaanay jeebadda ku shubanaysaa lacag ka badan 30 milyan oo Gini iyo fursad ay ka heshay Europa League oo ay si toos ah uga qayb-geli doonto.

Shaxdii labada kooxood

CHELSEA XI (3-4-3): Willy Caballero; Cesar Azpilicueta (c), Kurt Zouma, Antonio Rudiger; Reece James, Jorginho, Mateo Kovacic, Marcos Alonso; Mason Mount, Olivier Giroud, Christian Pulisic.

Kaydka: Tammy Abraham, Callum Hudson-Odoi, N’Golo Kante, Fikayo Tomori, Emerson Palmieri, Kepa Arrizabalaga, Ross Barkley, Pedro, Andreas Christensen.

ARSENAL XI (3-4-3): Emiliano Martinez, Rob Holding, David Luiz, Kieran Tierney; Hector Bellerin, Dani Ceballos, Granit Xhaka, Ainsley Maitland-Niles; Nicolas Pepe, Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang (c).

Kaydka: Bukayo Saka, Matt Macey, Eddie Nketiah, Sokratis, Joseph Willock, Sead Kolasinac, Matthew Smith, Lucas Torreira, Reiss Nelson.

Mikel Arteta ayaa kusoo galay saddex ciyaartoy oo difaac ah, afar dhex ah iyo saddex weerar ah, waana shaxdii uu ku garaacay Watford ciyaartii ugu dambaysay ee horyaalka Premier League, laakiin waxa uu isbeddel ku sameeyey difaaca midig oo uu kusoo laabtay Bellerin halka uu kaydka u dhacay Willock, waxaana afka hore hoggaaminayay Aubameyang oo soo dhaliyey labadii gool ee ay Arsenal kusoo garaacday Manchester City wareeggii semi-finalka.

Frank Lampard ayaa isaguna shax la mid ah Arteta oo kale kusoo galay, waxaanay labadooduba khadka dhexe siiyeen muhiimad weyn, iyadoo ay Blues isla shaxdii uu kaga soo adkaaday Manchester United Semi-finalkii iyadoo aanu waxba ka beddelin ciyaartoydii 2-0 kusoo garaacday Wolves usbuucii hore ee kaalinta afraad ee horyaalka u xaqiijiyey Blues.

Ciyaarta ayaa ku bilaabantay dardar ay Chelsea ka samaysay khadka dhexe iyo garbaha, waxaanay markiiba usoo yaacday dhinaca weerarka, hase yeeshee Maitland-Niles ayaa ku qasbay inay u dib u fadhiistaan markii uu weerar rogaal celis ah ku ekeeyey daqiiqaddii 3aad, isla markaana kubbad halis ah ugu soo dhex-tuuray Aubameyang.

GOOOOOAAAAALLL!!! ARSENAL 0-1 CHELSEA!! – Christian Pulisic ayaa Chelsea hoggaanka ciyaarta u dhiibay daqiiqaddii 5aad, waxaana kubbad cidhib uu ku siiyey Giroud oo xerada dhexdeeda ku jiray uu kala dhex-baxay difaaca Arsenal ka hor intii aanu Martinez oo isasoo tuuray dhinaca kale ka dhigin.

Arsenal ayaa jawaab ka bixiyey daqiiqaddii 25aad, waxaana gool qurux badan oo bannaanka uu ka toogtay Pepe uu dhaafiyey goolhaye Caballero oo aan is-dhaqaajin, waxaase calanka taagay gacan-yaraha garsooraha oo tilmaamay inuu offside jiray ka hor intii aanay kubadda Pepe u tagin.

Rikoodhe: Arsenal ayaa loo qabtay rikoodhe kaddib markii uu Abameyang kubbad kala soo dheereeyey Azpilicueta oo isaguna xerada ganaaxa ku riday, laakiin ciyaartoyda Chelsea ayaa ku dooday in VAR looga soo hubiyo, isla markaana uu qaladku bannaanka xerada ganaaxa ka dhacay.

GOOOOOAAAAALLLL!!!! ARSENAL 1-1 CHELSEA!! ayaa gool u beddelay rikoodhaha loo dhigay, waxaanu toogtay dhinaca midig iyadoo uu khabiirka rikoodheyaasha ee Caballero uu isku tuuray dhinaca kale, waxaanay Arsenal goobta ka bilowday damaashaad.

Pierre-Emerick Aubameyang oo 31 jir ah ayaa noqday ciyaartoygii labaad ee ugu da’da weynaa ee abid Arsenal gool u dhaliya Finalka FA Cup, waxaana kaliya ka horreeyey Bob John oo sannadkii 1932kii u dhaliyey gool kulan ay Newcastle wada ciyaareen, waxaanay laacibkaas da’diisu ahayd 33 jir.

Daqiiqado kaddib goolka barbarraha ee ay Arsenal dhalisay, waxa Chelsea laga saaray Kabtankooda Cesar Azpilicueta oo dhaawac muruqa ah uu soo gaadhay, waxaana lagu soo beddelay Christensen, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-1.

Qaybta labaad markii lagu soo noqday ee ay afar daqiiqadood oo kaliya socotay ayuu khabar xun oo kale usoo yeedhay Frank Lampard, waxaana dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Pulisic oo isaga oo kubbad kula sii socda goolka Arsenal, fursadna u haysta inuu dhaliyo uu booday muruqa lugta midig, kaas oo ku qasbay in isagoo cabaadaya uu kubadda iska laagay, kaddibna dhulka isku tuuray, waxaana lagu soo beddelay Pedro.

GOOOOOAAAAALLL!!! ARSENAL 2-1 CHELSEA!! Aubameyang ayaa kubbad qurux badan kooxdiisa hoggaanka ciyaarta ugu dhiibay, waxaanu dhaliyey goolkiisii labaad ee kulankan finalka iyadoo uu semi-finalkiina laba gool kasoo dhaliyey Man City.

Goolkan oo aad u qurux badnaa, waxa xerada ganaaxa dhexdeeda kubadda ugu keenay Aubameyang, weeraryahanka reer France ee Pepe, waxaanu qaab cajiib ah Aubameyang u farsameeyey difaaca Chelsea iyo goolhaye Caballero.

CASAAN!!! Mateo Kovacic ayaa kaadhkii labaad ee ciyaarta qaatay, waxaana uu garsoore Anthony Taylor ugu beddelay casaan uu ciyaarta kaga saaray, kaddib markii uu Xhaka lugta kaga istaagay, taasina waxay dhaawac weyn ku keentay qaab ciyaareedkii Chelsea iyo raadintii goolkooda barbarraha.

 

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More