Atletico Madrid Oo Rajadii Barcelona Sii Dishay, Xaalada

Barcelona ayaa barbaro kale oo niyadjab ah Camp Nou kula gashay Atletico Madrid waxayna Blaugrana markale lumisay laba dhibcood oo guul wayn u ah Real Madrid waxaana sii xumaatay xaalada tababare Setien oo aan lugo ku taagnayn.

- Advertisement -

Kulankan ayaa ahaa mid waali ah oo saddex rekoodhe uu garsooruhu bixiyay iyada oo laba ka mid ah ay Atletico Madrid laba gool oo ay barbaraha ku keensatay ku heshay halka gool kale oo rekoodhe ah oo Barca lagu abaal mariyay uu Messi ku dhaliyay goolkiisii 700 aad.

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa dhibcaha ku qaybsaday Camp Nou waxaana laba dhibcood kulankan ka heshay Real Madrid oo fursado xidhiidh ah ka helaysa xaalada xun ee Barcelona.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

ATLETICO MADRID (4-4-2): Jan Oblak; Santiago Arias, Jose Gimenez, Felipe, Renan Lodi; Angel Correa, Thomas Partey, Saul Niguez, Yannick Carrasco; Diego Costa, Marcos Llorente.

Kaydka: Antonio Adan, Joao Felix, Alvaro Morata, Thomas Lemar, Hector Herrera, Ivan Saponjic, Vitolo, Mario Hermoso, Kieran Trippier, Manuel Sanchez, Ricard Sanchez, Alvaro Garcia.

BARCELONA (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Nelson Semedo, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Riqui Puig; Lionel Messi, Luis Suarez, Arturo Vidal.

Kaydka: Arthur, Neto, Antoine Griezmann, Martin Braithwaite, Sergi Roberto, Samuel Umtiti, Junior Firpo, Inaki Pena, Alex Collado, Ansu Fati, Ronald Araujo, Monchu.

Barcelona ayaa doonaysay in ay ka soo kabsato waji gabixii ay kala kulantay kooxda Celta Vigo waxayna Setien iyo kooxdiisa ciyaartani u ahayd mid guul ama geeri u ahayd waxayna ciyaarta ku bilawdeen si xoogan iyaga oo cadaadis badan ku bilaabay Atletico Madrid.

Daqiiqadii 6 aad Atletico Madrid ayaa fursadii ugu horaysay ee ciyaarta heshay kadib markii uu  Carrasco kubbad ka soo shaqeeyay laakiin  Gimenez iyo Costa ayaa ku fashilmay in ay fursadan gool ku dhaliyaan.

Laakiin laba daqiiqo kadib Ivan Rakitic ayaa kaga jawaabay darbo uu ka tuuray meel 20 mitir goolka u jirtay balse goolhaye Oblak ayaa badbaadin fiican sameeyay.

DAQIIQADII 11 AAD Diego Costa ayaa iska dhaliyay goolka furitaanka u noqday Barcelona kadib markii uu si qalad ah ugu leexiyay kubbad uu Lionel Messi koorne ka soo tuuray waxaana dhacdadani qarisay badbaadin uu ilbidhiqsiyo ka hor Costa ka sameeyay kubbad uu Messi goolka ku bartilmaameedsaday.

Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Barcelona hogaanka kula wareegtay waxayna Atletico ayaa markiiba bilawday in ay fal celin ka samayso goolka looga hor maray.

DAQIIQADII 15 AAD REKOODHE!! Atletico Madrid  ayaa rekoodhe lagu abaal mariyay kadib markii uu Carrasco dhibaato ku abuuray Pique isla markaana uu qalad kala kulmay Vidal.

DAQIIQADII 16 AAD Digo Costa ayaa ku fashilmay in uu gool u badalo rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay waxaana ka badbaadiyay goolhaye Ter Stegen balse garsooraha VAR ayaa amray in markale Atletico Madrid ay dib u tuurato rekoodhaha kadib markii uu Ter Stegen soo dhaafay xariiqdiisa goolka.

Ciyaartoyda Barcelona ayaa gadood ka sameeyay arintan waxaana kaadhka digniinta ah la siiyay Ter Stegen iyo Gerard Pique laakiin Diego Costa ayaan kubbada soo qaadan waxaana badalay Sual kaas oo goolka barbaraha kooxdiisa Atletico Madrid u keenay.

DAQIIQADII 22 AAD BIRTA GOOLKA!! Lionel Messi ayaa u muuqday in uu dhalinayo goolka labaad ee Barcelona laakiin goolhaye Oblak ayaa badbaadin layaableh sameeyay waxayna kubbadu ku sii dhacday birta goolka.

Lionel Messi ayaa fursado cajiib ah ku abuuray goolka Atletico Madrid laakiin Oblak ayaa ku noqday midka fursadahan ka beeniyay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay babraro 1-1 ah.

REKOODHE! Daqiiqadii 48 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa Barcelona lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii uu  Felipe uu qalad ku galay Nelson Semedo waxayna Barca markeeda heshay fursadii ay hogaanka ku soo ceshan lahayd.

DAQIIQADII 50 aad Lionel Messi ayaa qaab bahdilaad ah goolhaye Jan Oblak waxa uu uga dhaliyay rekoodhaha Barca lagu abaal mariyay isaga oo qaab cajiib ah goolhayaha u kala diray waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Barcelona hogaanka ku soo ceshatay.

TAARIIKH: Goolkan ayaa ahaa goolkii 700 aad ee uu Lionel Messi ka soo dhaliyay heerka kowaad ee kubbada cagta ee kooxdiisa Barcelona iyo xulkiisa Argentina.

DAQIIQADII 61 AAD REKOODHE!! Rekoodhihii saddexaad ee ciyaarta ayuu garsooruhu ku abaal mariyay Atletico Madrid kadib markii uu Semedo oo daba ordayay Carrasco uu sabab u noqday in lugta Carrasco ay taabatay taasina ay keentay inuu dhulka ku dhaco, garsooraha ayaan ka laba labayn wuxuuna dhigay rekoodhe kale.

DAQIIQADII 62 AAD Saúl Ñíguez ayaa markale goolka barbaraha kooxdiisa Atletico Madrid ugu dhaliyay rekoodhaha labaad ee loo dhigay laakiin goolhaye Ter Stegen oo kubbada taabtay ayaa awoodi waayay in uu joojiyo waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2-2 ah.

Daqiiqadii 63 aad Setien ayaa ciyaarta ka saaray Ivan Rakitic wuxuuna kaydka ka soo kiciyay Sergio Roberto waxayna Barca bilawday in ay goolka saddexaad raadiso.

Daqiiqadii 69 aad Simeone ayaa ciyaarta soo galiyay da’yarka aduunka ugu qaalisan ee João Félix wuxuuna saaray Llorente laakiin laba daqiiqo kadib Vidal ayaa Barca ka khasaariyay fursad gool dhalineed.

Diego Costa ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqadii 77 aad waxaana ciyaarta soo galay Alvaro Morata waxaana la galay waqtigii ciyaarta ugu muhiimsanaa.

Daqiiqadii 84 aad ee dhamaadkii ciyaarta Simeone ayaa ciyaarta soo galiyay Thomas Lemar iyo Vito wuxuuna saaray xidiga Barca dhibaatada badan ku abuuray ee  Carrasco iyo Correa laakiin Setien ayaa saaray Sergio Busquets wuxuuna weerarkaku soo xoojiyay da’yarka Ansu Fati.

Daqiiqadii 90 aad Antoine Greizmann ayaa ugu danbayn ciyaarta la soo galiyay waxaana la saaray Vidal laakiin Barca ayaa ahayd kooxda uu waqtigu ka ordayay iyada oo Atletico Madrid difaacasho badan iyo weeraro rogaal celis ah ku raadinaysay goolka guusha.

Wax walba oo ay Barcelona ku dadaashay in ay goolka guusha hesho waxay awoodi waayeen in ay dhaafaan difaacashada Atletico Madrid waxayna ciyaartu ku dhamaatay barbaro 2-2 ah waxaana kulankan guulaysatay Real Madrid oo aan ciyaarin maadaama oo ay Barca laba dhibcood oo kale lumisay.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More