Aubameyang, Lehmann, Torres, Beckham & 18 Xiddig Oo Laga

Xasuuso Maldini oo garab taagan saxeexyo cusub oo ay AC Milan ku dhawaaqday sannadkii 1998kii, kuwaas oo kala ahaa Roberto Ayala, Olivier Bierhoff, Thomas Helveg iyo Jens Lehmann. Waxa laga yaabaa in qaar ka mid ah laacibiintan ay maskaxdaada ka baxeen inay waqti kusoo qaateen AC Milan, haddii intii ka tageen aad ku xidhantay kubadda cagta iyo daawashadeedan ku darso ogaalkaaga.

- Advertisement -

AC Milan oo ka mid ah kooxaha kubadda cagta Yurub ugu taariikhda weyn, waxay horyaalka Serie A ku guuleysatay 18 jeer, Coppa Italia shan jeer iyo Champions League oo ay toddoba mar haysato. Laakiin sannadihii ugu dambeeyey, waxay ku jirtay xaalad qasan oo laga waayey fagaareyaasha waaweyn ee Yurub.

Kooxdan lagu naanayso Rossoneri, waxa horyaalka dalkeeda ugu dambaysay sannadkii 2011, halka Champions League aanay urinin muddo 13 sannadood ah.

Xiddigihii ay kooxdu u shidnayd sannadihii dambe ee laga yaabo in inta badan akhristeyaashayadu ay wada xusuusan yihiin, waxa ka mid ahaa Andriy Shevchenko, Kaka, Clarence Seedorf, Andrea Pirlo, Filipp Inzaghi iyo kuwo kale.

Marka xiddigahani ku suntan yihiin guulihii AC Milan ee sannadihii ay wax iskugu toosnaayeen, waxa kale oo jiray laacibiin kale oo qaarkood xilliyadaas joogeen San Siro Stadium hase yeeshee aan caan ahayn, amaba fursado ay taageereyaasha isku baraan aan la siinin.

Laakiin markii ay xaaladdu ku xumaatay ayay noqotay naadi ciyaaryahannada hawlgabka noqonaya ay kusii nastaan, halka kuwo kalena ay ka tageen iyagoo da’ yar oo aan waqti la siinin.

A REMINDER:

Paolo Maldini with new AC Milan signings Roberto Ayala, Oliver Bierhoff, Thomas Helveg and Jens Lehmann in 1998 🔴⚫️ pic.twitter.com/JYTOgoqoow

— Football Remind (@FootballRemind) June 15, 2020

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa 18 ciyaartoy oo laga yaabo in qaarkood ay maskaxdaada ka  baxeen inay AC Milan u ciyaareen:

Adel Taarabt

Pierre-Emerick Aubameyang

Gerard Deulofeu

Fernando Torres

Michael Essien

Fabricio Coloccini

Jens Lehmann

Leonardo Bonucci

Pepe Reina

Sokratis

Lucas Ocampos

Bojan Krkic

David Beckham

Asmir Begovic

Philippe Senderos

Alberto Aquilani

Ronaldo

Klaas-Jan Huntelaar

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More