Barcelona Iyo Ciyaartoygeeda Oo Khilaaf Ka Dhex Curtay,…

Kooxda Barcelona ayaa la sheegay inay ciayartoyeeda ku wargelisay in 70% ay ka jari doonto mushaharkooda bilaha soo aaddan, isla markaana aanay noqon doonin deyn lagu leeyahay ee ay lacagtaas waayi doonaan, si kooxdu ay uga badbaaddo dhibaato dhaqaale oo ku timaadda maadaama ay hakad ku jiraan ciyaaraha oo ilihii dakhli oo dhanna ka wada xidhan yihiin.

Barcelona ayaa ka mid ah naadiyada adduunka ee durba ka qaylinaya saamaynta dhaqaale ee uu Coronavirus ku yeeshay, waxaana usbuucii hore ay kulan la  yeelatay ciyaartoygeeda oo dhan, kuwaas oo ay ku wargelisay xaaladda naadigu ku jiro iyo qorshaha ay damacsan tahay oo ah in la dhimo 70% mushaharkooda, taas oo ahayd codsi ay ciyaartoyguna si cad uga hor yimaaddeen.

Sida uu qoray wargeyska The Guardian, Barcelona waxay doonaysaa inay si isku-mid ah lacagtan uga dhinto mushaharooyinka ciyaartoyga koowaad, labaad, dumarka iyo dhamaan naadiyada tartamada kala duwan uga ciyaara ee ay leedahay Barcelona, sida kubadda kolayga, kubadda cagtanta, Futsal-ka iyo xattaa da’yarta.

Barcelona oo daliishanaysa sharci ay soo rogeen Xeer Dejinta Waddanka Spain oo shirkadaha u ogolaanaysa inay qaadaan tallaabooyin ku-meelgaadh ah oo ay ku dhimanayaan mushaharka shaqaalahooda si ay uga gudbi karaan xaaladdan dhaqaale, waxa kooxdu shaqada ka caydhinaysaa shaqaale hoosaadka aan muhiimka ahayn, sidoo kalena waxay dhimi doontaa gunnooyinka iyo mushaharka ay qaataan madaxda iyo dadka kale ee meelaha lagama maarmaanka ah u jooga.

Telefishanka iska leh xuquuqda baahinta horyaalka Spain ee LaLiga ayaa isaguna shaaciyey in uu illaa 1,000 shaqaalihiisa ka tirsan shaqada ka joojin doono amaba ugu yaraan uu mushaharkooda dhulka dhigi doono.

Kulankii Salaasadii hore dhex maray ciyaartoyga Barcelona iyo madaxda, uuna hoggaaminayey Lionel Messi, waxa kooxdu ay kula wadaagtay sida uu dhulka u galay dhaqaalaheedu, ciyaartoyguna waxay ka garaabeen duruufaha lagu jiro, hase yeeshee warbaahinta dalka Spain ayaa xustay in kasokow in la isla ogol yahay in wax laga dhimo mushaharka, ay haddana ciyaartoydu isku diideen in 70% laga jaro, taas oo ay ku waayayaan malaayiin.

Qorshe kale oo ciyaartoyga iyo kooxda kala dilayaa ayaa la sheegay inuu miiska u saaran yaahy, kaas oo ah in gebi ahaanba aanay wax mushahar ah bixinin muddada u dhaxaysa 11 March illaa 11 April.

Miisaaniyadda kooxda reer Spain oo sannadkan ah €1.047 bilyan, waxa boqolkiiba 66 ay ku baxaysaa mushaharka ciyaartoyga iyo shaqaalaha, qayb kale oo u dhiganta 15% na waxay ku baxaysaa kharashaad, halka ay jiraan deymo badan iyo ciyaartooyo u qorshaysan inay heshiisyo lasoo galaan oo ay tahay inay qayb ka mid ah lacagta u adeegsadaan, hase yeeshee lacagtaas ayaa ku dhowaad kala badh aan soo xeroon doonin maadaama ay ciyaarihii iyo wax kasta oo kale istaageen, taas oo ka dhigan in xattaa mushaharka ciyaartoyga deyn badan lagaga yeelan doono.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona iyo ciyaartoygeeda ayaa la rumaysan yahay inay iska hor iman doonaan oo aanay qorshahan aqbali doonin, xilli Real Madrid oo ay xafiiltamaan aanay wali soo bandhigin wax u muuqda inay ciyaartoyga ka jari doonto mushahar, halka Man United oo Ingiriis ah ay xataa shaqaalihii aan rasmiga ahayn ee sida yowmiyaha ah uga hawl-geli jiray Old Trafford marka ay kulamo jiraan, ay sidoodii lacagta u siinayso, iyadoo ay ka dhigayso sidii ay u shaqeeyeen oo kale.

 

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy