Chelsea Oo Ku Tumatay Manchester United, Blues Oo Finalka Ku

Chelsea ayaa u gudubtay finalka FA Cup oo ay la ciyaari doonto Arsenal, kaddib markii ay Manchester United ku garaacday 3-1.

- Advertisement -

Saddex qalad oo uu sameeyey goolhaye David Dea ayaa Chelsea ay ku heshay labada gool ee hore, waxaana daqiiqaddii 56aad ee qaybta hore oo lagu daray 13 daqiiqadood oo dheeraad ah goolka koowaad u dhaliyey Chelsea weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud oo kubbad laga soo dhiibay dhinaca midig kaga taabasho horreeyey Lindelof, isla markaana dhabta u saaray goolhaye De Gea oo iska dhacay, xilli kubadduna ay si qunyar ah uga gudubtay laynka.

Goolka labaad ayay Chelsea heshay daqiiqaddii labaad ee qaybta labaad, waxaana u dhaliyey da’yarka Mason Mount oo kubbad diciif ahayd oo uu ka toogtay bannaanka faraha u saaray David De Gea oo ay kasiibatay.

Goolka saddexaad ayay Manchester United hadiyad kale u siisay Chelsea, waxaana iska dhaliyey Harry Maguire ciyaarta oo ay 15 daqiiqadood ka hadhsanaayeen.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Manchester United heshay gool madi ah oo rikoodhe ahaa oo uu dhaliyey Bruno Fernandes, waxaanu goolkaasi ahaa mid samirsiis ah oo aan waxba u tarin Red Devils.

Chelsea ayaa waxay finalka la ciyaari doonaa Arsenal marka ay taariikhdu tahay August 1, iyadoo ay Sabtidii Gunners 2-0 kusoo garaacday Manchester City, halka ay Blues 3-1 ku dhufatay United, taas oo ka dhigan in labada kooxood ee reer London ay tartanka ka cidhibtireen labada kooxood ee reer Manchester.

CHELSEA XI (3-4-2-1): Willy Caballero; Cesar Azpilicueta, Kurt Zouma, Antonio Rudiger; Reece James, Jorginho, Mateo Kovacic, Marcos Alonso; Willian, Mason Mount; Olivier Giroud.

Kaydka: Tammy Abraham, Pedro, Christian Pulisic, Emerson, Ruben Loftus-Cheek, Callum Hudson-Odoi, Andreas Christensen, Fikayo Tomori, Kepa Arrizabalaga.

MANCHESTER UNITED XI (3-4-1-2): David de Gea; Eric Bailly, Harry Maguire, Victor Lindelof; Aaron Wan-Bissaka, Fred, Nemanja Matic, Brandon Williams; Bruno Fernandes; Daniel James, Marcus Rashford.

Kaydka: Sergio Romero, Paul Pogba, Juan Mata, Anthony Martial, Andreas Pereira, Timothy Fosu-Mensah, Odion Ighalo, Mason Greenwood, Scott McTominay.

Solskjaer ayaa qaatay go’aan khatar ah, waxaanu shan beddel ku sameeyey kooxdiisii koowaad ee sida fiican iskula qabsatay ee kulamadii u dambeeyey ciyaarayay, isaga oo kaydka dhigay Paul Pogba, Anthony martial iyo Mason Greenwood, waxaanu doorbiday inuu difaaca adkaysto, isaga oo kusoo wada bilaabay Eric Baily, Harry Maguire, Lindelof, Wan Bissaka iyo Williams oo uu hore uga dhaqaajiyey booska difaaca bidix oo uu geeyey dhexda.

Afka hore hore ayuu geeyey David James oo aan baryahaas helin boos joogto ah iyo Marcus Rashford.

Lampard ayaa dhinaciisa saddex beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Norwich toddobaadkii hore, waxaanu goolka kusoo bilaabay Caballero, halka uu Reece James iyo Mount uu siiyey fursad ay isku muujiyeen, waxaanu kaydka dhigay Kepa, Pulisic iyo Loftus-Cheek.

Chelsea ayaa heshay fursaddii ugu horreysay ee ciyaarta, waxaana kubadda lasoo dhex jeexay ciyaartoyda United da’yarka Reece James, waxaanu goolka ku toogtay markii xerada ganaaxa afkeeda yimid goolhaye David De Gea oo isaguna iska difaacay.

Reece James ayaa mar kale sameeyey fursad bilowgiiba, waxaanu xerada ganaaxa dhinaca midig kasoo geliyey kubbad uu soo qaaday taas oo uu la kulmay Alonso, laakiin kubadda ayaa birta garab martay.

Daqiiqadihii 32aad iyo 33aad ayay Manchester United iyo Chelsea sameeyeen laba fursadood oo wanaagsan. Waxa ku horreysay Man United oo uu Bruno Fernandes laag xor ah ku miciinsaday goolka, waxaase dirqi iskaga saaray goolhaye Caballero. Daqiiqaddii xigtay ayay Chelsea kasoo jaratay, waxaana dedaal dheeraad ah jeebadda kala soo baxay Mount oo bannaanka xerada ganaaxa ka toogtay goolka United, laakiin De Gea ayaa goobta diyaar kusii ahaa.

Ciyaarta ayaa siddeed daqiiqadood u taagnayd dhaawac soo gaadhay difaaca Manchester United ee Eric Bailly oo nasiib xumadiisa kasoo laabtay dhaawac uu kulamo badan xili ciyaareedkan ku maqnaa, waxaana lagu soo beddelay Anthony Martial maadaama marka horeba ay United shan difaac ah ku ciyaaraysay. Bailly ayay isku dhaceen Maguire oo ay si toos ah madaxa iskugu dhufteen.

Ciyaarta ayaa waqtigii ugu badnaa ee dheeraad ah ee baryahaa lagu arko garoomada lagu daray, waxaanay sii socotay 13 daqiiqadood oo kale markii ay dhamaadeen 45ka daqiiqadood ee waqtiga caadiga ah.

GOOOAAALLLLL!!! Chelsea ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 45′ + 11 (Waqtigii dheeraadka ahaa oo marayay 11 daqiiqadood, waxaana gool u dhaliyey Blues weeraryahanka reer France ee Giroud oo kubbad uu soo dhiibay Azpilicueta kaga xoog roonaaday Lindelof xerada dhexdeeda, kaddibna ku dhuftay goolhaye De Gea oo awoodi kari waayey inuu kubadda ka joojiyo laynkiisa oo ay gashay.

Goolhaye David De Gea ayaa u muuqday in aanu filayn kubaddana amaba ay hurdo haysay, waxaana qaladka dusha laga saaray goolhayaha reer Spain maadaama kubadda ku dhacday ay haddana iyadoo aadyar socota goolkiisa gashay.

Damaashaadka Chelsea waxba kamay dambayn, waxaana daqiiqaddii 45′ + 13 loo dareeray waqtiga nasashada iyadoo Lampard iyo xiddigihiisu ay faraxsan yihiin.

Labada kooxood ayaa qaybtii dambe lasoo laabtay talooyin ay ka heleen tababareyaashooda, iyadoo ay meesha ku jirtay in Ole Gunnar Solskjaer oo taatikada qaybta hore uu kusoo galay uu si aad ah ula soo dardaarmay xiddigihiisa, si ay u saxaan meelihii ay ka liiteen.

GOOOAAALLLLL!!!! Manchester United 0-2 Chelsea – Mason Mount ayaa Chelsea hoggaanka usii dheereeyey, waxaana kubbad uu ka dhex qaatay Williams iyo Fred uu kula soo dhowaaday difaaca, taas oo ka hor intii aanu gelin xerada ganaaxa uu laag diciif ah oo dhulka socda ku toogtay goolka Manchester United, laakiin David De Gea ayaa kubadda aan diyaar u ahayn inuu qabto, waxaanay ka baxsatay farihiisa hore. Ciyaarta ayaa noqotay 2-0.

Manchester United ayaa laba fursadood oo wanaagsan samaysay goolka laga dhaliyey kaddib, waxaana mid ka mid ah ay ku dhowaatay goolka oo ay dhinac ka martay.

GOOOAAALLLLL!!!! Manchester United 0-3 Chelsea – Alla Maxaa wax ka socda Wembley!! Chelsea ayaa goolka saddexaad ee ciyaarta u dabbaal-degtay kaddib markii uu Harry Maguire goolkiisa ku leexiyey kubbad uu dhinaca bidix kasoo dhiibay Alonso. Waxaana goolka uu iska dhalisay Maguire uu ciyaarta ka dhigay 3-0.

RIKOODHE: Manchester United ayaa  loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu Anthony martial xarfad kusoo dhaafay Hudson-Odoai, soona galay xerada ganaaxa, laakiin xiddiga Chelsea ayaa qabsaday Martial, waxaana Red Devils loo dhigay rikoodhe.

GOOOAAALLLLL!!!! Manchester United 1-3 Chelsea – Bruno Fernandes ayaa gool u beddelay rikoodhaha loo dhigay Manchester United, waxaanu kubadda dhigay koornaha bidix oo hoosta ah, halka uu Caballero u diray dhinaca kale.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ayay labada kooxood fursado kale sameeyeen, laakiin waxba kumay soo kordhin natiijada ciyaarta, waxaanay kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Chelsea oo Wembley finalka kula ciyaari doonta Arsenal.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More