Eden Hazard Oo Qirtay Inuu Sannad Aad U Xun Ku Qaatay Real…

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa sheegay in xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee Real Madrid uu ahaa mid aad u xun oo aan u noqonin sidii isaga iyo kooxduba ay doonayeen.

Laacibkan oo ku maqan dhaawac soo gaadhay February 22, una baahday qalliin loo geeyey waddanka Maraykanka ayaan wax rajo ah oo fiican ka qabin inay qaybaha dambe ee horyaalka kusoo laaban doono, waxa se uu isku diyaarinayaa fasal ciyaareedka dambe oo uu doonayo inuu la yimaaddo dhibaatadii hore.

“Xili ciyaareedkayagii ugu horreeyey ee Madrid aad buu u xumaa, laakiin dhamaantii ma wada ahayn. Waxa uu ahaa xilli ciyaareedkii la qabsiga, waxaana la igu qiimayn doonaa xili ciyaareedka dambe.” Ayuu yidhi Hazard oo u warramay RTBF.

“Aniga ayay ii taalaa inaan qaab wanaagsan yeesho sannadka dambe. Kooxdu way wanaagsan tahay; anigana waxay ii ahayd khibrad fiican, walina afar sannadood ayaa iiga hadhsan heshiiskaygii.” Ayuu raaciyey.

Hazard waxa uu sheegay in qorshihiisu ahaa inuu taam u noqdo oo uu ciyaaro Euro 2020 ka hor intii aan dib loo dhigin muddo sannad ah, waxaanu yidhi: “Waxaan rajaynayay inaan soo gaadho Euro 2020, niyad jab ayaanu isbeddelku igu riday. Waxaan qorsheeyey inaan tartankaas ciyaaro.

“Sannad kale ayaynu haysanaa 2021, waana wax laga xishoodo laakiin kuraantu waxay ii ogolaan doontaa inaan dib usoo laabto anigoo qaab fiican leh. Waxay ila tahay inay adag tahay sababtoo taageereyaashu waxay doonayeen inay arkaan tartanka caalamiga ah xagaa kasta, waxaanay ku noqonaysaa wax ka xishoodsiiya. Laakiin waxa kale oo ay ila tahay in nolosha ay waxyaabuhu kala mudan yihiin.”

Ugu dambayntii, Hazard waxa uu ka hadlay xaaladda waddanka Spain iyo sida uu ka dhigay xanuunka Coronavirus, iyo sida uu yahay caafimaadkiisu waxaanu yidhi: “Anigu waan fiicanahay! Mar walba guriga ayaan ku jiraa, naftaydana waan daryeelaa.

“Waan fiicnaanayaa, waxa laga iga saaray qodbihii toddobaad ka hor, haddana xoogaa si adag ayaan u shaqaynayaa.

“Waan socon karayaa, markaa wax walba way fiican yihiin.”

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy