Farxaddii Arsenal Ee Murugada Isku Beddeshay, Koobkii Ay

Kabtanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubamayeng, waxa marka horeba ku adkaatay sidii uu u qaadi lahaa koobka cidlada loo dhigay ee aanay xataa cidi guddoonsiinin, waxaana daqiiqado sawirro laga qaaday kaddib uu qabtay dhegaha, kaddib culayska uu dareemay ayaa uu dhinaca hoose isku dayay inuu soo qabto.

- Advertisement -

Isla salka hoose markii uu Aubameyang koobka qabtay, wali kuma kalsoonayn in qaybta hoose ku hadhayso kursiga loo dul-saaray iyo inay koobka raacayso, sababtoo ah, waligii hore uguma soo guuleysan, waxaana laga yaabaa in aanu xataa hore usoo daawan sida uu u samaysan yahay koobkan oo 13 ka mid ah ay yaallaan xarunta kaydka koobabka Arsenal.

Dhawr jeer oo uu isku dayay oo uu marba si’ yidhi, waxa ugu dambayn uu ku guuleystay inuu koobka kasoo qaado miiska isaga oo salka hoose soo qabtay oo si qaab-daran u haya. Wuxuu ku dhiirran waayay inuu dabbaal-deg soo sameeyo illaa uu ciyaartoyda kasoo gaadhayay, waxaana uu si qunyar ah u tallaabsanayay garoonka dhexdiisa si aanu koobku uga dhicin.

Laakiin markii uu soo gaadhay halkii ciyaartoydu ku sugayeen ayaa uu koobku ka dhacay, waxaanu u kala jabay laba.

Qaybta hoose ee koobka ayaa ku dhacday lugaha Aubameyang agteeda, halka inta sarena ay dhinaca ciyaartoyda u dhacday.

Inkasta oo ay u muuqatay inay isdul-yaallaan oo uu marka horeba koobku labadan qaybood ka koobnaa, isla markaana la isa-sudhayo, haddana waxa argagax iyo naxdin ku dhacday ciyaartoyda Arsenal ee dabbaal-degga isku diyaarinayay.

Aubameyang ayaa naxdin madaxa qabsaday, sidoo kale David Luiz iyo Alexander Lacazette ayaa iyaguna qaab murugo leh madaxa u qabsaday, inkasta oo difaaca reer Brazil ee Luiz uu u muuqanayay inuu qoslayo.

Halkan ka daawo sidii wax u dhaceen:

πŸ† 1930πŸ† 1936πŸ† 1950πŸ† 1971πŸ† 1979πŸ† 1993πŸ† 1998πŸ† 2002πŸ† 2003πŸ† 2005πŸ† 2014πŸ† 2015πŸ† 2017

πŸ† 2020#HeadsUpFACupFinal pic.twitter.com/SZ9nunLd7R

β€” Football on BT Sport (@btsportfootball) August 1, 2020

Β 

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More