Gareth Bale Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Real Madrid

Xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxda kubadda cagta Real Madrid, taas oo uu xili ciyaareedkan ku qaatay kursiga kaydka oo uu ka samaynayay dhaqamo ay saluugeen tababare Zidane iyo maamulka kooxda oo sababtay in ciyaartii ugu dambaysay laga saaro liiska kooxda.

- Advertisement -

Xidhiidhka ka dhexeeya Gareth Bale iyo Zinedine Zidane ayaan fiicnayn, waxaana gebi ahaanba aanu kasoo muuqanin toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Real Madrid sababta ugu noqday inay ku guuleysato horyaalka LaLiga.

Ciyaartii ugu dambaysay ee uu kasoo muuqday safka Real Madrid ayaa waxay ahayd June 24, balse waxa uu kaliya xili ciyaareedka kusoo bilowday 12 ciyaarood oo kaliya, iyadoo inta kalena ay ahayd waqtiyo uu ku qaatay dhaawac iyo xilliyo uu kaydka ku caajisay.

Kulankii ay Real Madrid 2-0 ku garaacday Alaves ayaa waxa la arkay Bale oo afdaboolka (mask) uu xidhnaa ku qaboolay indhihiisa isaga oo kursigana dib u galay, iskana dhigaya inuu hurdo.

Ciyaar kale oo xigtay oo Real Madrid ay 2-1 kaga badisay Granada, waxa uu labadiisa gacmood saaray indhihiisa sidii uu weynayso ku eegayo ciyaarta, taas oo iyaduna ahayd dhaqan kale oo ay Los Blancos jeclaysan weyday.

Ficillada dhacayay iyo ciyaaris la’aanta, waxa la filayaa inay soo dedejiyaan dhamaadka waayaha Bale ee Real Madrid, iyadoo la sheegayay in kooxda reer Spain ay iibin doonto xili ciyaareedkan.

Sida uu fahamsan yahay wargeyska Mirror Football, Gareth ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa Real Madrid waxaanu arrinta la wadaagay tababaraha xulka qaranka Wales ee Ryan Giggs.

Bale waxa uu u sheegay Giggs in aanu ka tegi doonin Real Madrid illaa inta uu dhamaanayo heshiiskiisa oo laba sannadood ka hadhsan yihiin, isla markaana uu joogi doono xattaa haddii aanu hal kulan oo kaliyana ciyaarin.

Mushaharka uu Real Madrid ka qaato Gareth Bale oo toddobaadkii dhan £600,000 Gini ayaa uu rumaysan yahay in aanu ka heli doonin koox kale, sidaas darteedna uu sii joogayo Santiago Bernabeu illaa badhtamaha sannadka 2022.

Laacibkan oo sannadkii 2013 ay Real Maga soo iibsatay Tottenham lacagtii ugu badnayd waqtigaas oo ahayd £86 milyan oo Gini, ayaa waxa uu kula guuleystay afar koob oo Champions League ah, laba koob oo LaLiga ah iyo koobab kale oo maxalli iyo heer qaaradeedba iskugu jira.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More