HORDHAC: Barcelona vs Atletico Madrid – Kulanka Rajada Barca

Kulan lagu tilmaamay inay ku xidhan tahay rajada xili ciyaareedka ee Barcelona ayaa caawa ka dhacay garoonka Camp Nou, waxaana halkaas isku haleeli doona Barcelona oo lumisay hoggaanka horyaalka LaLiga iyo Atletico Madrid oo dhibaatooyin ay lasoo kulantay kaddib kusoo laabatay jidka guusha.

- Advertisement -

Barcelona oo barbarro soo gashay laba ka mid ah saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxay qaabilaysaa Atletico oo afar guulood oo xidhiidh ah soo heshay, waxaana natiijada kasoo baxda kulankan ay muhiimad weyn u leedahay labada kooxoodba.

Kooxda martida loo yahay oo qaabkiisu lumayey kulamadii ugu dambeeyey, waxay iska lumisay fursad ay uga guuleysan lahayd Celta Vigo Sabtidii, waxaana saddexda dhibcood ee ciyaartaas ka hor istaagay Iago Aspas oo laag xor ah ka dhaliyey waqtigii dhimashada, waxaanay taasi fursad siisay Real Madrid oo laba dhibcood oo nadiif ah hoggaanka haysa.

Kooxda tababare Quique Setien, shantii ciyaarood ee ay dheeshay intii lagu soo laabtay horyaalka LaLiga, waxay kaliya soo guuleysatay kulamadii Mallorca, Leganese iyo Athletic Bilbao, waxaana ay barbarro la galeen Sevilla iyo Celta Vigo.

Intaas kaddib ayay caawa is haleelayaan kooxda ugu adag ee kulamada u hadhsan, waana Atletico Madrid oo kaalinta saddexaad ku jirta, afar dhibcoodna ka horreysa Sevilla oo kusoo daba shidaysa, laakiin dhibaatada ka jirta Barca ee ah in khilaaf u dhexeeyo tababaraha iyo ciyaartoyda ayaa iyaduna ah arrin sii kordhinaysa culayska ay leedahay ciyaarta Atletico.

Arrinta niyadda fiican siinaysa ee Barcelona ay daliishan doonto marka uu kulankani bilaabmo ayaa waxay tahay, in Atletico aanay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ku badin Camp Nou, waxaana ugu dambaysay February 2010, waxaana guul ay ka keenaan ay usii saamixi doontaa inay hoggaanka hal dhibic kaga qabtaan Real Madrid oo Khamiista la ciyaari doonta Getafe.

Dhinaca kale, Atletico Madrid oo ku jirtay kaalinta lixaad ee miiska kala-sarraynta LaLiga markii ciyaaraha dib loogu soo laabtay June 14, waxay ku bilaabatay barbarro ay la gashay Athletic Bilbao, laakiin kooxda tababare Diego Simeone ayaa wacdaro dhigtay afartii ciyaarood ee ka dambeeyey oo ay ku garaacday kooxaha Osasuna, Real Valladolid, Levante iyo Alaves, iyagoo yimid kaalinta saddexaad oo ay waliba afar dhibcood ka sarreeyaan Sevilla, halka ay 11 dhibcood ka hooseeyaan Barcelona oo labaad ku jirta.

Atletico oo ka mid ah kooxaha ugu difaaca adag, waxa laga badiyey afar jeer oo kaliya, waxaana ka yar Real Madrid oo saddex mar laga adkaaday, laakiin dhibaatadooda ugu weyn waxay ahayd dhinaca barbarraha oo ay 13 ciyaarood galeen.

32 ciyaarood oo horyaalka ah oo ay ciyaartay, waxa Atletico laga dhaliyey 23 gool oo kaliya halka ay iyaguna dhaliyeen 41 gool, waana kooxda toddobaad ee ugu gool-dhalinta badan LaLiga.

Marka la eego natiijooyinka lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay Barcelona iyo Atletiico Madrid ka keeneen horyaalka LaLiga, labadooda midna lagama badin, waxaanay soo heleen min afar guulood iyo laba barbarro ah, taas oo ka dhigan in koox walba ay 18kii dhibcood ee suurtogalka ahaa kasoo qaadatay 14.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Barcelona vs Atletico Madrid

Tartanka: LaLiga

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Barcelona waxa ciyaartan dhaawac kaga maqan Ousmane Dembele iyo Frenkie de Jong, laakiin soo kabasho sameeyey Sergi Roberto oo tababarkii kooxda si wanaagsan ula qaatay, laguna soo daray liiska kooxda ee ciyaarta caawa.

Sergio Busquets oo ganaax ku seexay kulankii Celta Vigo ayaa dib ugu soo laabanaya kooxda, sidoo kalena waxa ku jira Arthur oo tijaabada caafimaadka u maray Juventus, heshiis shan sannadood ahna u saxeexay, laakiin inta ka dhiman xili ciyaareedka kusii sugnaan doona Camp Nou.

Antoine Griezmann oo kaydka ku jiray Sabtidii ayaa la filayaa in weerarka uu kula soo bilaaban doono Lionel Messi iyo Luis Suarez, iyadoo difaacana la filayo in Clement uu kusoo laaban doono oo uu booska kala bixi doono Samuel Umtiti.

Dhinaca Atletico Madrid, waxa dhaawac ka ah labada difaac ee tiirarka adag ah ee Mario Hermoso iyo Sime Vrsaljko, waxaana usii raacay Koke iyo Stefan Savic oo iyaguna ganaax kaga maqan ciyaartan.

Angel Corea ayaa la filayaa inuu kula biiro Saul Niguez iyo Thomas Partey khadka dhexe, halka uu Marcos Llorente qaadan doono doorkii Koke.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Alba; Vidal, Busquets, Rakitic; Griezmann, L Suarez, Messi

Atletico: Oblak; Trippier, Savic, Gimenez, Lodi; Correa, Thomas, Saul, Llorente; Felix, Costa

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More