Hordhac: Brighton Vs. Man United – Red Devils Oo Kaalinta

Manchester United aya as afar ku tegaysa Amex Stadium iyadoo maanka ku haysa in natiijo guul ah oo ay kala soo laabato Brighton ay ka caawin doonto inay kusoo dhowaato, hal dhibicna u jirsato Chelsea oo ku jirta kaalinta afraad ee horyaalka Premier League.

- Advertisement -

Red Devils oo Sabtidii iska xaadirisay semi-finalka FA Cup ayna isku beegmeen Chelsea, waxay raadin doontaa guul kale oo ay kusii xoojistaan rikoodhka guul-darro la’aanta ee ah inaan hal marna laga badin 14kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, taas oo ay kasoo bilaabeen 22 January.

Sagaal ka mid ah 14ka ciyaarood ee aan dhinaceeda dhulka la dhigin, Manchester  United waxay marti, waana sabab uu tababare Ole Gunnar Solskjaer iskaga sii dhaadhicin karayo in Brighton uu kusii dheeraysan karo rikoodhkiisa oo uu 15 ciyaarood oo aan laga badin kaga dhigan karayo.

Laakiin Amex Stadium waxa toddobaad ka hor niyad-jab kala soo laabatay Arsenal oo dhayalsanaysay, waxaanay tahay in Red Devils ay taxaddar dheeraad ah kasii samayso.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayo ee Brighton, lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey waxay soo heshay toddoba dhibcood, laakiin haddana hal kulan oo kaliya ayaa laga badiyey, iyadoo afar barbarro ah iyo mid ay guuleysteenna u wehelinayeen.

Manchester United waxay lixdeeda ciyaarood ee Premier League ee ugu dambeeyey ahaayeen afar guulood iyo laba barbarro ah, taas oo ka dhigan in 18 dhibcood oo suurtogal ah ay ka heleen 14 dhibcood.

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Brighton vs Manchester United

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 10.15pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Amex Stadium

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Sidii la filayey, Solskjaer waxa uu kulankii FA Cup ee Norwich sameeyey isbeddelo badan, iyadoo uu kaydka dhigay xiddigo muhiim ah oo uu qaybtii dambe qaarkood soo geliyey.

Paul Pogba, Marcus Rashford iyo Anthony Martial ayaa xilli dambe uu soo geliyey, waxaanay kulanka maanta ahaan doonaan safka hore maadaama ay waqti nasasho ah soo qaateen.

David de Gea ayaa kusoo laaban doona goolka, halka Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof iyo Daniel James ay rajaynayaan inay kusoo bilaaban doonaan safka hore.

Solskjaer waxa uu kooxdiisa udub-dhexaad uga dhigay Bruno Fernandes iyo Maguire oo 120 daqiiqadood ciyaaray kulankii Norwich, wayna dag tahay inuu nasiyo, hase yeeshee waxa uu go’aankooda gaadhi doonaa waqti dambe.

Dhinaca Brighton, waxa ciyaartan dhaawac jilibka ah kaga maqan Jose Izquierdo, waxaana booskiisa iman doona Steven Alzate.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Brighton: Ryan; Montoya, Duffy, Dunk, Burn; Stephens, Bissouma; Connolly, Mac Allister, Mooy; Maupay

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Matic, Pogba; James, Fernandes, Rashford; Martial

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More