Hordhac: Celta Vigo vs Barcelona – Setien Oo Guul Qasab Ah

Barcelona waxay maanta marti u noqonaysaa kooxda Celta Vigo, waxaanay ka raadin doontaa guul ay ugu soo laaban karto hoggaanka horyaalka oo ay usbuuc ka hor la wareegtay Real Madrid.

- Advertisement -

Blaugrana oo ogsoon in hoggaankii ay muddada soo hayeen uu hadda gacanta u galay Real Madrid, isla markaana aanay fursad kale sii siin karayn oo haddii ay guul keeni waayaan ay suurtogal tahay inay horyaalka difaacan kari waayaan, waxay jilbaha u dhiganaysaa Celta Vigo iyagoo waliba marti ah.

Laakiin kooxda martida loo yahay ee Celta ayaa iyaduna ka ordaysa inay dib ugu laabato heerka labaad iyadoo hadda ku jirta kaalinta 18aad ee miiska kala sarraynta, waxaanay khasaare soo gaadha ka xigtaa dhimasho, haddii kale waxay waayi karayaan fursad ay xili ciyaareedka dambe kaga ciyaaraan horyaalka LaLiga.

Shan ka mid ah 15kii icyaarood ee horyaalka ee ay xili ciyaareedkan garoonkeeda ku ciyaartay ayaa Celta laga badiyey, waxaanay Barca qaabilaysaa xilli goobta ugu fursadda wanaagsan ee ay dhibco ku helayaan ay tahay garoonkeeda.

Dhinaca kale, Barcelona oo uu kusoo fool leeyahay kulan adag oo ay Ateltico Madrid isku haleeli doonaan, waxay dirqi kaga soo baxsatay Athletic Bilbao, waxaana shimbirka guusha u noqday Ivan Rakitic, laakiin ka hor kulankaas, waxa uu Quique Setien wax walba u samayn doonaa sidii uu Celta uga keeni lahaa guul.

Sevilla ayaa ahayd kooxda mashaqada u horseedday Barcelona ee ku qabatay barbarraha goolal la’aanta ah.

Marka la eego natiijada lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka ay ka keeneen Barcelona iyo Celta Vigo, waxay lasoo kulmeen min hal guul-darro balse kooxda martida loo yahay ayaa saddex barbarro ah iyo laba guulood raacsatay, taas oo ka dhigan in lixdaas kulan ay soo heleen sagaal dhibcood oo kaliya.

Barcelona halka guul-darro waxay ku darsatay hal barbarro ah, balse afar ciyaarood ayay muddadaas soo heshay, taas oo uga dhigan in lixdaas ciyaarood ay gacanta ku dhigtay 12 dhibcood.

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Celta Vigo vs Barcelona

Tartanka: LaLiga

Waqtiga: 6pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Abanca Balaidos

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Celta Vigo waxa usoo laabanaya laacibka khadka dhexe ee reer Turkey ee Okay Yokuslu oo ganaax ku seegay kulankii Real Sociedad, laakiin waxa dhaawacyo ka ah David Junca iyo Sergio Alvarez.

Nolito oo dhowaan uga soo laabtay Sevilla ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo safka weerarka tababare Garcia, inkasta oo ciyaartii hore uu kaydka ku jiray.

Ma jiri doonaan isbeddello badan oo layaab noqon kara, waxaana safka weerarka aan laga wayai doonin Iago Aspas oo 11 gool u dhaliyey xili ciyaareedkan iyo Rafinho oo ay amaah kaga qaateen Barcelona oo ka hor tegaya kooxdiisa hore iyo Fedor Smolov oo ay booska ku hirdami doonaan Santi Mina.

Barcelona waxa dhaawaca kaga maqan Ousmane Dembele iyo Frenkie de Jong, sidoo kalena waxa ganaax ah Sergio Busquets. Sergio Roberto ayaa sidoo kale laga reebay liiska kooxda ee kulanka maanta, waxaana booskiisa buuxin doona Nelson Semedo.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Celta Vigo: Blanco; Vazquez, Aidoo, Murillo, Olaza; Rafinha, Yokuslu, Beltran; Aspas, Smolov, Suarez

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Alba; Vidal, Puig, Rakitic; Braithwaite, Griezmann, Messi

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More