Hordhac: Leganes vs Real Madrid – Zidane Oo Laba Arrimood Ku

Real Madrid oo Khamiistii ku guuleysatay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, waxa xili ciyaareedka kusoo xidhanaysaa kulan ay marti ugu tahay Alaves oo halis ugu jirta inay u dhacdo, heerka labaad laakiin haddii ay guul ka keento ciyaartan ay suurtogal tahay inay badbaaddo.

- Advertisement -

Real Madrid ayaa Khamiistii soo garaacday Villarreal, waxaana gacanta laga saaray koobka horyaalkeedii 34aad ee ay ku guuleysatay, maadaama ay toddoba dhibcood ka sare martay Barcelona oo jab kala kulantay Osasuna.

Laakiin Leganes oo ku jirta kaalinta 18aad, hal dhibicna ka hoosaysa Celta Vigo oo 17aad fadhida, ayaa guul ay ku nefistay oo rajada usoo celisay soo heshay isla maalintaas.

Zinedine Zidane iyo kooxdiisa ayaa u dagaallamaya kulanka caawa laba ujeeddo oo waaweyn oo midka hore tahay inay guul ku dhamaystaan horyaalka iyo midda labaad oo ah inay isku dayaan in Karim Benzema ay ka caawiyaan inuu abaal-marinta kabta dahabka ah ee horyaalka LaLiga kaga guuleysto Lionel Messi oo laba gool ka sarreeya.

Los Blancos ayaa 5-0 ku garaacday Leganes ciyaartoodii hore ee horraantii xili ciyaareedka, laakiin fasal ciyaareedkii hore ayay dhibcaha ku qaybsadeen barbarro.

Lixdii kulan ee ugu dambeeyey, Leganes waxay soo guuleysatay saddex ka mid ah, ciyaar ay barbarro gashay iyo laba laga adkaaday, waxaana sababta ay rajada uga qabto inay ka badbaadi karto inay heerka labaad ku noqoto haddii ay saddexda dhibcood ka xoogsato Real Madrid.

Los Blancos ayaa dhinaceeda wada guuleysatay dhamaan kulamadii uu horyaalku dib ugu bilaabmay, waana sababta ka caawisay inay koobka qaataan, iyagoo ka faa’iidaystay simbiririxooyin ku dhacay Barcelona oo lumiyey 9 dhibcood oo ahaa saddex barbarro ah iyo ciyaar laga badiyey.

Xogta Isaragii

Ciyaarta: Leganes vs Real Madrid

Tartanka: LaLiga, kulamada 38aad ee ugu dambeeya xili ciyaareedka

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Estadio Butarque

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Leganes waxa ka maqan Ruben Perez oo ganaax shan kaadh oo digniin ahi u buuxsameen ciyaartii ay 2-0 ku garaaceen Athletic Bilbao Khamiistii. Waxa kale oo u raaca Alexander Szymanowski oo dhaawac ka gaadhay muruqa ku maqan, hase yeeshee waxay filayaan inay taam noqdaan Kenneth Omeruo, Kevin Rodrigues, Oscar Rodriguez iyo Guido Carrillo oo jugo ka cabanaya.

Real Madrid waxa dhaawac ka ah difaaca bidix ee Marcelo, laakiin Zinedine Zidane ayaa safkiisa ka reebay Gareth Bale iyo James Rodriguez oo u muuqda in waqtigoodii Santiago Bernabeu soo dhamaanayo.

Xiddigaha da’da yar ee Marco Asensio, Vinicius Junior iyo Federico Valverde oo Is-aaragii Khamiistii kaydka ku jiray ayaa rajaynaya in tababare Zidane kusoo bilaabo ciyaarta macasalaamaynta horyaalka.

Qaab-Ciyaareedka macquulka ah ee labada kooxood

Leganes: Cuellar; Ruibal, Bustinza, Tarin, Siovas, Rosales; Eraso, Amadou, Mesa, Gil; Guerrero

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Mendy; Valverde, Casemiro, Modric; Vinicius, Benzema, Asensio

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More