Hordhac: Manchester United vs Chelsea | Solskjaer vs Lampard

Manchester United iyo Chelsea waxay si ku-meelgaadh ah u illoobayaan tartanka ay ugu jiraan kaalmaha hore ee tartanka Premier League, waxaanay dareenkooda ku jeedinayaan semi-finalka FA Cup iyo sidii ay mid walba ugu gudbi lahayd finalka oo ay kusii sugayso Arsenal oo 2-0 ku garaacday Manchester City.

- Advertisement -

Man United iyo Chelsea waxay dagaal boosaska sare ee Premier League ah ku jireen intii uu horyaalku dib u bilaabmay oo dhan, waxaana hadda farqiga u dhexeeyaa uu yahay dhibic kaliya, waxaanay mar kale labada kooxood si la mid ah 2018kii iskugu yimaaddeen laba dhamaadka FA Cup oo midkooda guuleysata ay Finalka tegi doonto.

Labada kooxood oo 20 koob isku-geyntooda ku guuleystay tartanka FA Cup, waxa gacanta sare lahayd Manchester United oo markeedii 13aad doonaysa inay koobka qaadato, laakiin Blues ayaa iyaduna siddeed mar oo hore soo hanatay, waxaana ka go’an in doorkan ay hore ugu socoto, finalkana ay Wembley kula ciyaarto kooxda kale ee reer London ee Arsenal.

Red Devils waxay barbarrayn kartaa rikoodhka Arsenal oo 13 jeer ku guuleysatay FA Cup, waxaana kaliya ka xigta in Blues ay meel iskaga xidho, kaddibna ay Arsenal iskula jeex-jeexaan gudaha Wembley oo Ole Gunnar Solskjaer uu koobkiisa ugu horreeya la qaado Man United, laakiin taasi wax sahlan maaha.

Waxa kale oo United ay hiigsanaysaa rikoodh kale oo dhinaca finalka ah, waxaana 20 mar oo hore oo ay timid ay ka dhigan kartaa 21, iyadoo hal mar ka sarrayn doonta Arsenal oo 20 jeer iska soo xaadirisay.

Inkasta oo 12 mar oo kaliya ay ku guuleysatay koobka, 20 jeerna ay finalka gaadhay, haddana Manchester United waa kooxda ugu badan inay semi-finalka soo gaadho, waxaanay timid 30 mar oo toban ka mid ah lagu garaacay, halka 20ka kalena ay u gudubtay finalka.

Laakiin Chelsea ayaa rikoodheeda wanaagsan uu u bilaabmay intii ay kubaddeedu sare u kaca samaysay, iyadoo 20kii sannadood ee ugu dambeeyeyna ay rikoodh khaas ah la wadaagto Arsenal oo ay 10 ka mid ah afarta ugu dambeeya soo gaadhay.

Labada tababare ee labada kooxood kala hoggaaminaya ee Ole Gunnar Solskjaer iyo Frank Lampard ayaa iyaguna xilligii ay ciyaartoyda ahaayeen labadooda kooxood kula soo guuleystay tartankan. Frank Lampard ayaa ku gacan sarreeya oo afar mar la qaaday Chelsea intii uu ciyaartoyga ahaa, halka Ole Gunnar Solskjaer uu laba jeer kula guuleystay Manchester United, waxaana doorkan labadooduba doonayaan in markoodii ugu horreysay ay koobka qaadaan iyagoo tababare ah.

Manchester United ayey saadaaliyeyaashu gacanta sare siinayaan kulankan iyagoo tixraacaya bandhigga iyo natiijooyinka ay ka keenaysay 19kii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo aanay wax guul-darro ah arag. Intii ay ciyaaruhu dib u bilaabmeen, waxay Red Devils guuleysatay lix ciyaarood iyo laba ay barbarro galeen.

Rikoodhkii ugu dheeraa ee guul-darro la’aan ah abid ayay Manchester United soo bandhigtay intii ka dambaysay bishii January, waxaana aan dhinacooda dhulka la dhigin 19 ciyaarood, waxaanay ku socdaan inay gaadhaan rikoodhkii ugu badnaa ee Red Devils abid oo ahaa 29 ciyaarood oo aan laga badin, kaas oo sannadkii 2010 uu Alex Ferguson ka sameeyey Old Trafford.

Ma jiraan arrimo waaweyn oo walaac geliya Solskjaer ka hor ciyaartan, waxaana u diyaarsan inta badan ciyaartoyda kooxdiisa ee bandhigga cajiibka ah samaynayay, sida Burno Fernandes, Marcus Rashford, Anthony Martial, Paul Pogba iyo Mason Greenwood, laakiin xiddiga difaaca bidix ee Luke Shaw ayaa ku maqan dhaawac kasoo gaadhay Southampton.

Waxa intaas u dheer, 13 ka mid ah 19ka ciyaarood ee aan laga badin, Manchester United waxay ilaashatay shabaqeeda oo iyadoo aan wax goolal ah laga dhalin ay garoonka ka baxday, waxaana ugu dambaysay Khamiistii oo ay Crystal Palace 2-0 kusoo dhirbaaxeen.

Dhinaca Chelsea, intii ay ciyaaruhu dib u bilaabmeen, waxay ku sugnayd xaalad isbeddelaysa oo guusha, guul-darrada iyo barbarruhuba jireen. Laakiin waxay rikoodh wanaagsan ka haysteen kulamada FA Cup oo 12kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay soo guuleysteen.

Intii aanay soo gaadhin semi-finalka FA Cup, waxay Chelsea dhexda kusoo tuntay Nottingham Forest, Hull City, Liverpool iyo Leicester City, iyadoo dhamaan kulamadaasna laga soo dhaliyey hal gool oo kaliya.

Marka la eego rikoodhka labada kooxood ee tartanka FA Cup, waxa dhinaca guulaha ku badan Manchester United oo shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey afar ka mid ah soo guuleysatay, midna barbarro soo gashay, laakiin Chelsea oo afar ciyaarood soo dheeshay ayaa dhamaantood soo wada guuleysatay.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester United vs Chelsea

Tartanka: FA Cup – Semi-final

Waqtiga: 8pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Wembley Stadium

Garsooraha: Mike Dean

Wararkii u dambeeyey ee labada kooxood

United waxa haysta werwer dhinaca difaaca ah iyadoo ay ka dhaawacan yihiin Luke Shaw oo muhiim u ahaa kooxda, Phil Jones iyo Axel Tuanzebe, laakiin waxa soo laabtay Brandon Williams.

Shaw iyo Williams oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Southampton, waxa booskooda difaaca bidix Khamiistii ka ciyaaray Timothy Fosu-Mensah oo u babac-dhigay weerarka Crystal Palace.

Odion Ighalo oo kulamada FA Cup kusoo bilaaban jiray ayaa rajaynaya inuu booska kala bixi doono Rashford ama Martial, laakiin lama filayo in Solskjaer uu sameeyo beddelo badan maadaama ay ciyaartu muhiim tahay.

Frank Lampard dhinaciisa waxa jira culays ay ku hayaan ciyaartoyda dhaawaca ka ah, gaar ahaan N’Golo Kante iyo Billy Gilmour, waxaase taam u ah oo fursaddooda ka doonaya Tammy Abraham, Callum Hudson-Odoi iyo Mason Mount.

Labada kooxoodba waxa la filayaa in goolhayeyaashooda labaad ay ciyaartan kusoo bilaabaan.

Qaab-Ciyaareedka macquulka ah ee labada kooxood:

Manchester United: Romero; Dalot, Bailly, Maguire, Williams; Matic, Fred; James, Pogba, Rashford; Ighalo

Chelsea: Caballero; James, Tomori, Christensen, Emerson; Barkley, Jorginho, Mount; Loftus-Cheek, Abraham, Hudson-Odoi.

Saadaasha kulanka: Khabiirka BBC Sports ee Mark Lawrenson oo saadaaliyey kulamada Semi-finalka FA, waxa uu kasii farxiyey Manchester United oo uu u sheegay inay 2-0 ku garaaci doonto Chelsea, isla markaana ay finalka tegi doono. Laakiin khabiirka waxa ku beenowday saadaashii uu ka bixiyey kulankII Arsenal ay ku garaacday Manchester City oo uu isagu xusay in City ay badinayso, finalkana ay iskugu imanayaan labada kooxood ee reer Manchester.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More