Hordhac: West Ham vs Chelsea “London Derby” – Blues Oo

Chelsea ayaa caawa isla gudaha magaalada London ku booqanaysa dhigeeda West Ham United kulan labada kooxoodba ay si weyn ugu baahan yihiin guusha isla markaana ay hammiyo kala duwan leeyihiin.

- Advertisement -

Chelsea ayaa kala soo laabatay go’doonkii kubadda cagta qaab ciyaareed guulo ah kaddib saddex kulan saddex guulood halka Hammers laga soo adkaaday laba kulan oo ay ilaa haatan soo ciyaareen.

Tababare Frank Lampard ayaa waxkasta u samayn doona si uu guul usoo helo isla markaana uu kaalmaha lagu dhaadhaco ugu riixo kooxdiisii carruurnimo ee uu akaademigeeda kasoo najaxay si ay tartanka kaalmaha Champions League usii xejistaan.

Kooxaha Manchester United iyo Wolves ayaa qabanaya shaqooyin cajiib ah oo ay cadaadiska kusii saarayaan Chelsea iyagoo labaduba min laba dhibcood u jira.

Blues ayaa isla caawa la wareegi kara booska saddexaad ee miiska kala sarreynta horyaalka haddii kooxda kaalinta saddexaad ee Leicester City dhibco laga jaro kulanka adag ee ay booqanayso Everton oo uu horkacayo tababare Carlo Ancelotti.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Chelsea ayay macquul tahay inay kulankan haysan weydo garabkeeda weerar ee Christian Pulisic oo saamayn waali ah lasoo laabtay tan iyo dib u bilaabashadii kubadda cagta England isagoo udub dhaxaad u ahaa guulihii horyaalka ee Aston Villa iyo Man City.

Heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawaca Pulisic oo ah mid canqawga ahi ayaan wali la qeexin laakiin iyadoo ay kulamadu aad iskugu dhaw dhaw yihiin Lampard ayaysan u badnayn inuu halis kusoo gelin doono kulankan.

Callum Hudson-Odoi ayaa kusoo laaban kara shaxda si uu u daboolo booska xiddiga ree Maraykan si lamid ah Pedro iyo Ruben Loftus-Cheek ayaa dookhyo kale u noqonaya Lampard.

Christensen ayaa kulankii Leicester City ku seegay dhaawac feedhaha ah oo aan halis badan lahayn balse la qiimayn doono kahor ciyaarta caawa, Fikayo Tomori oo dhaawac ku maqnaa ayaa ku dhaw soo laabasho.

Dhinaca kale West Ham ayaa waayi doonta Robert Snodgrass oo dhaawac dhabarka ah qaba waxaana uu shaki weyni ku jiraa taam ahaanshaha weeraryahanka dhexe ee kooxdaas ee Sebastian Haller.

Qaab Ciyaareedka Labada Kooxood

West Ham ayaa bandhig musiibo ah ku jirta, lixdoodii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League ayaa shan kamid ah laga soo adkaaday halka ay guul kaliya soo gaadheen, Blues ayaa dhinacooda afar guulood, hal guuldarro iyo hal bar-bardhac ka haysta lixdoodii kulan ee u dambeeyay ee horyaalka.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Kulankan Ee Labada Kooxood

West Ham United: Fabianski; Fredericks, Ogbonna, Diop, Cresswell; Soucek, Rice; Fornals, Noble, Anderson; Antonio

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Zouma, Alonso; Barkley, Kante, Kovacic; Willian, Giroud, Loftus-Cheek

XOGTA KOOBAN EE KULANKA

Garoonka: Olympic Stadium

Isaragii: West Ham United vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Saacada: 10:15 habeenimo xilliga geeska Africa

 

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More