Inkaarta Arsenal Ka Heysata Maaliyada No9 Oo La Soo

Thierry Henry waxa uu soo xirtay maaliyada No.14. Dennis Bergkamp waxa uu soo xirtay maaliyada No.10

- Advertisement -

Labada weeraryahan ee abid ugu fiicnaa Arsenal labaduba waa ay iska ilaaliyeen maaliyada No9.

Gunners waxaa ku habsatay inkaar ah inuu ka fashilmo xiddig walba oo xirta maaliyada No9 sannadihii ugu danbeeyay.

Xaqiiqdii waxaa lagu doodi karaa in xiddigaha kaliya ee ku najaxay lambarkaas waayaha Premier League inay ahaayeen Nicolas Anelka iyo Jose Antonio Reyes.

Alan Smith ayaa hore u soo xirtay laakiin waxay aheyd ka hor inta aan sharci laga dhigin in ciyaaryahan walba uu yeesho lambar joogta ah.

Paul Merson ayaa isna labo xilli ciyaareed soo xirtay laakiin ma uusan aheyn gooldhaliye.

Anelka isagoo aan la garaneyn ayuu kooxda uga soo biiray Paris Saint-Germain sannadkii 1997kii, waxa uu ka tagay isagoo ka mid ah weeraryahanada ugu fiican dunida.

Waxa uu Arsenal ku yimid heshiis 500 kun ginni, waxa uu uga tagay heshiis 22 milyan ginni ah isagoo u wareegay Real Madrid.

Dhanka kale Reyes ayaa ka mid ahaa xiddigaha ay jeclaayeen taageerayaasha Gunners iyadoo lagu xusuusto labadii gool ee uu ka dhaliyay Chelsea sannadkii 2004.

Marka laga soo tago ciyaartoydaan, waxaa fashilmay xiddigihii kale ee soo xirtay maaliyada No9 ee Arsenal.

Cabsida haatan taagan ayaa ah: Miyuu Alexandre Lacazette ku biiri doonaa xiddigaha fashilmay?

The Sun ayaa soo bandhigtay liiska ciyaartoyda fashilmay wixii ka danbeeyay Anelka ee soo xirtay maaliyada No.9

DAVOR SUKER (1999-2000)

FRANCIS JEFFERS (2001-2004)

JULIO BAPTISTA (2006-07)

EDUARDO (2007-2010)

PARK CHU-YOUNG (2011-2014)

LUKAS PODOLOSKI (2012-2015)

LUCAS PEREZ (2016-2017)

ALEXANDRE LACAZETTE (2017-ilaa iyo hadda)

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More